DEG DEG:- Dab xoogan oo caawa ka kacay Suuqa Bakaaraha

0
Thursday January 10, 2019 - 23:07:25 in Wararka by
  • Visits: 363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG:- Dab xoogan oo caawa ka kacay Suuqa Bakaaraha

    Dab xoogan ayaa goor dhaw oo caawa ah waxa uu ka kacay gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan aagga Bacadlaha.Dabkan oo la sheegay inuu ka dhashay Koronto ayaa kacay kadib markii ay soo kala hooyaadeen dadkii Suuqa ku sugnaa oo ku ganacsan jiray. Dabka o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dab xoogan ayaa goor dhaw oo caawa ah waxa uu ka kacay gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan aagga Bacadlaha.Dabkan oo la sheegay inuu ka dhashay Koronto ayaa kacay kadib markii ay soo kala hooyaadeen dadkii Suuqa ku sugnaa oo ku ganacsan jiray. Dabka oo ah mid xoogan ayaa ku sii fidaya qeybo cusub oo ka mid ah Suuqa, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.


Gadiidka Dab damiska oo ay wehliyaan ciidan Millatari ah ayaa gaaray goobta, waxayna ku hawlan yihiin sidii loo damin lahaa Dabkaasi.

Suuqa Baakaraha ayaa waxaa ku sii qul qulaya dad goobo ganacsi ku leh aagga uu Dabka ka kacay, si hantidooda ay u bad baadsadaan.

Ciidanka ammaanka ayaa rasaas ku kala eryay dad doonayay inay bililiqo geystaan, waxayna xireen goobaha ku dhaw meesha uu Dabka ka kacay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip