Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir oo kormeer amni ku tagay Deg. Garas-baaley (SAWIRRO)

0
Thursday January 10, 2019 - 22:15:51 in Wararka by
  • Visits: 419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir oo kormeer amni ku tagay Deg. Garas-baaley (SAWIRRO)

    Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan oo ay wehliyaan Taliyaha qeybta Galbeed Gaashaanle Sare Maxamed Daahir, Taliyaha Booliska Deg. Garas-baaley Laba Xidigle C/fataax Maxamed Xasan (Qoslaaye) iyo saraakiil kale ayaa maanta kormeer am

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan oo ay wehliyaan Taliyaha qeybta Galbeed Gaashaanle Sare Maxamed Daahir, Taliyaha Booliska Deg. Garas-baaley Laba Xidigle C/fataax Maxamed Xasan (Qoslaaye) iyo saraakiil kale ayaa maanta kormeer amni ku tagay Deg. Garas-baaley.

Kormeerkan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Deg. Garas-baaley Mudane Ibraahim Maxamed Rooble, Guddoomiye kuxigeenka ammaanka iyo siyaasadda Cali Xasan Cali iyo Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada Cabdullaahi Maxamuud Cabdi.

Taliyaha Booliska iyo Maamulka Deg. Garas-baaley ayaa kormeer loogu kuurgalayay amniga ku tagay qeybo ka mid ah xaafadaha Garas-baaley, si shacabka loo dareensiiyo inay xoojiyaan la shaqeynta Hay’adaha ammaanka.

Taliye Saadaq ayaa kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha ammaanka iyo Maamulka Garas-baaley, kaasi oo diirada lagu saaray sugidda ammaanka.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo saraakiisha kormeerka ku wehlinaysay ayaa qiray in amniga Deg. Garas-baaley uu yahay mid la isku haleyn karo, islamarkaana muhiim ay tahay in la joogteeyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Hay’adaha ammaanka iyo shacabka.

"Maanta waxaa booqasho noogu yimid Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Taliyaha qeybta Galbeed iyo saraakiil kale, ujeedada waxay aheyd sidii loo xoojin lahaa sugidda ammaanka, hadii aan nahay maamulka Garas-baaley waxaan mar walba ka shaqeynaa sidii ay nabad buuxda u heli lahaayeen shacabka masuuliyadda noo dhiibtay. ” ayuu yiri Guddoomiye Ibraahim Maxamed Rooble.

Hay’adaha ammaanka ee ka hawlgala Deg. Garas-baaley ayaa mar walba sameeya hawlgallo joogto ah oo lagu xaqiijinayo amniga, si shacabka ay u helaan amni la isku haleyn karo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip