Weerar Bambaano Oo Ka Dhacay Degmada Yaaqshiid

0
Thursday January 10, 2019 - 21:04:47 in Wararka by
  • Visits: 361
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Bambaano Oo Ka Dhacay Degmada Yaaqshiid

    Gelinkii dambe ee Maanta ayaa weerar bambaano oo khasaaro geystay waxaa lagu qaaday Xarunta Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir. Goobjogayaal aan la hadalnay ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Bambaanooyinkaas lagu tuuray Gudaha Xarunta xi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa weerar bambaano oo khasaaro geystay waxaa lagu qaaday Xarunta Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir. Goobjogayaal aan la hadalnay ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Bambaanooyinkaas lagu tuuray Gudaha Xarunta xili Shaqooyin ay ka socdeen Xarunta degmada.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in bambaanooyinka qaar ay ku dhaceen Gudaha Xarunta,isla markaana ay ku dhaawacmeen Saddex ruux oo la sheegay inay ka mid ahaayeen dad dacwooyin u tegay Xarunta dgemada.

Majirto cid loo qabtay weerarlaas,hayeeshee Ciidamo Boolis ah oo ku sugan Xarunta ayaa bilaabay howlgal ay ku baadi goobayaan dadkii bambaanooyinka Xarunta ku weeraray,kuwaas oo la sheegay inay baxsadeen.



Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale waxaa bambaanooyin lagu weeraray Xarunta Maamulka degmada Yaaqshiid,waxana ugu dambeysay dhamaadkii Bishii December ee Sanadkii tegay ee 2018 oo weerar bambaano lagu qaaday Xaruntaas.

xigashoradiodalsan.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip