Sawirro:-Tirada Dadka Barakacayaasha Ah Ee Ku Sugan Muqdisho Oo La Shaaciyay

0
Thursday January 10, 2019 - 20:52:13 in Wararka by
  • Visits: 350
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Tirada Dadka Barakacayaasha Ah Ee Ku Sugan Muqdisho Oo La Shaaciyay

    Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa la kulmay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xamza Siciid Xamza, iyadoo ay ka wada hadleen sidii xal-waara loogu heli lahaa Barakacayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa la kulmay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xamza Siciid Xamza, iyadoo ay ka wada hadleen sidii xal-waara loogu heli lahaa Barakacayaasha ku nool gudaha iyo daafaha Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir uu ahmiyad gaar ah siiyey xal-u-helidda dadka barakacayaasha oo in ka badan shan boqol oo kun ay ku sugan yihiin Caasimadda, iyadoo aragtida fog ee maamulka ay tahay in muddo afar sano gudahood ah dhammaan xeryaha barakacayaasha la xiro oo shaqsi walba loo helo xal uu ku dhexgalo bulshada ama uu deegaankiisa dib ugu laabto.

Eng. Yarisow oo warbixin siinayey Wasiirka Gargaarka ayaa sheegay in Maamulkiisu uu ka shaqaynayo sidii ay wadajir ugu wajihi lahaayeen xal-u-helidda Barakacayaasha, isla markaana loo baahan yahay wada-shaqayn dhow in laga yeesho.



Wasiirka Gargaarka iyo Musiibooyinka Mudane Xamza Maxamed Xamza ayaa uga mahadceliyey Duqa Muqdisho wada-shaqaynta iyo iskaashiga ay la leeyihiin, isagoo tilmaamay in wadajir looga shaqayn doono sidii xal-waaa loogu sameyn lahaa dadka Soomaaliyeed ee Barakacayaasha ah.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen iyo masuuliyiin ka socday Wasaaradda Gargaarka iyo Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip