Haddad is mooday in aad Cilmi leedahay, waa lagaa Cilmi badan yahay Qur'aanka fiiri=Q-6aad=

0
Tuesday January 08, 2019 - 23:18:12 in Wararka by
  • Visits: 915
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haddad is mooday in aad Cilmi leedahay, waa lagaa Cilmi badan yahay Qur'aanka fiiri=Q-6aad=

    Hordhac: Nin Filasuuf oo la hadlayay Culumada ugu caansan dhinaca Seyniska reer Galbeedka ayaa yiri: Haddii ey Aqoontaadu yartahay, diin la'aan ayaad u dhawdahay, haddii aad Aqoon fiican leedahayna waxaad Aaminee Diin, waxaadna ku sii dhawaanee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hordhac: Nin Filasuuf oo la hadlayay Culumada ugu caansan dhinaca Seyniska reer Galbeedka ayaa yiri: Haddii ey Aqoontaadu yartahay, diin la'aan ayaad u dhawdahay, haddii aad Aqoon fiican leedahayna waxaad Aaminee Diin, waxaadna ku sii dhawaanee Xaqiiqda. (Haddad is mooday in aad Cilmi leedahay, waa lagaa Cilmi badan yahay Qur'aanka fiiri):

Dareenka Maqaarka (Skin Nerves). Q-5aad.

Maqaarku waxa uu leeyahay Dareemayaal, Gubashada Maqaarka Dareensiiya oo Gaarsiiya Maskaxda Qofka. Haddii Daraamayaashaa Maqaarka ey wax gaaraan sida iyaga oo si buuxda u gubto, ma jirayo Dareen Xanuun oo Maskaxda u gudbayo , Qofkuna ma ogaanayo haddii gubashada Jirkiisu sii socoto. Si uu u Dareemo Xannunka Gubashada waa in Dareemayaashu dhib u howl galaan, Maqaarkiina la soo cusbooneysiiyo.

Sidee 1400 Sanno ka hor, Qof aan wax Aqrin waxna Qorin uu ku ogaaday, in Maqaarka kore oo kaliya uu dareeni karo gubashada?.

Aayad Quraanka ka mid ah [Quran 4.56] ayaa leh: kuwa ku kufriyay Aayadaheena, waxaan ku rideeynaa Dab-Naar, mar kasta oo maqaarkoodu Gubtana, waxaan ku badaleynaa Maqaar cusub si ey u dhadhamiyaan Cadaabka – Alloow naga badbaadi ( fiiri Sawirka 1 add, Aayadda Daliika u ah)

Allaah iyo Rasuulka CSW ayaa nooga cilmi leh.


La soco Qaybta 6aad.

Qore: Yahya Amir

Haddad is mooday in aad Cilmi leedahay, waa lagaa Cilmi badan yahay Qur’aanka fiiri=Q-6aad=

Hordhac:

Nin Filasuuf oo la hadlayay Culumada ugu caansan dhinaca Seyniska reer Galbeedka ayaa yiri: Haddii ey Aqoontaadu yartahay, diin la’aan ayaad u dhawdahay, haddii aad Aqoon fiican leedahayna waxaad Aaminee Diin, waxaadna ku sii dhawaanee Xaqiiqda.

(Haddad is mooday in aad Cilmi leedahay, waa lagaa Cilmi badan yahay Qur’aanka fiiri):

Hurdadii Asxaabul Kahfi. Q-6aad.

Seynis yahano ayaa yiri: Waxaan ogaanay haddii uu Qof Saacadao badan hal dhinac u jiifo, isaga oo aan dhinacba mar isku Rogin, in dhiigu ku xirmayo wareega xididadda dhaxdood , gaar ahaan Faraha Foodooda iyo Xubinta dhinaca uu u jiifana oo Boog noqonayo. (F.S: 2aad). Waana dhimanayaa, Markaa suura gal ma ahan in Asxaabul Kahfi ey Hurdayeen 300 Sanno ka badan.

Xujadooda waa looga jawaabay,Waxaana lagu yiri: Fiiriya Suuradda Kahfi ( the cave-18) oo leh:

(Waxaad u maleeynayeen inay soo jeedaan iyaga oo hurdayo,waxaana u ROGROGNAY dhinaca Midig iyo kan Bidix)) F.S: 1aad,Aayadda daliilka u ah.

Siduu ku Ogaaday Rasuulkeedna Muxamed NNKH oo aan wax qorin waxna Aqrin 1400 Sanno ka hor, in Qofka Hurdaa uuna hal dhinac u jiifi Karin haddaan la rog rogin. Aayaddaa ayeyna ku qanceen Qaar ka mid ahaa Seynis yahanadii.

Allaah iyo Rasuulka CSW ayaa nooga cilmi leh.

La soco Qaybta 7aad.

Qore: Yahya Amir


 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip