Ciyaarihii La Liga ugu muhiimsanaa iyo natiijooyinkii kasoo baxay

0
Monday January 07, 2019 - 10:03:07 in Wararka by
  • Visits: 663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaarihii La Liga ugu muhiimsanaa iyo natiijooyinkii kasoo baxay

    Horyaalka dalka Spain ayaa toddbaadkan soo laabtay, ka dib nasashadii jiilaalka. Natiijooyin cajiib ah ayaa kasoo baxay kullamadii laga ciyaaray La Liga ee maanta, iyadoo Real Madrid guuldarro xun lagu biday garoonkeeda Bernabeu. Sevilla ayaa soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horyaalka dalka Spain ayaa toddbaadkan soo laabtay, ka dib nasashadii jiilaalka. Natiijooyin cajiib ah ayaa kasoo baxay kullamadii laga ciyaaray La Liga ee maanta, iyadoo Real Madrid guuldarro xun lagu biday garoonkeeda Bernabeu. Sevilla ayaa soo dhoweysay kooxda Atletico Madrid, waxaana ciyaartaas ay ku idlaatay bareejo 1-1 ah.

Wessam Ben Yedder ayaa u dhaliyay Sevilla, waxaase Atletico goolka bareejada usoo celiyay Antoine Griezmann.

Real Madrid ayaa dharbaaxo la yaab leh kala kullantay kooxda Real Sociedad oo marti u ahayd.

William Jose iyoPardo ayaa dhaliyay labada gool ee ay Real Madrid kaga taqalluseen, iyadoo casaan uu qaatay Lucas Vazquez oo ciyaarta laga saarray.

Ugu dambeyn Barcelona ayaa garaacday kooxda Getafe, iyadoo Lionel Messi iyo Luis Suarez ay min gool dhaliyeen.


Getafe ayaa gool madi ah ka heshay Jaime Mata.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip