Haddad is mooday in aad Cilmi leedahay, waa lagaa Cilmi badan yahay Qur'aanka fiiri Q.2-aad.

0
Thursday January 03, 2019 - 21:58:43 in Wararka by
  • Visits: 907
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haddad is mooday in aad Cilmi leedahay, waa lagaa Cilmi badan yahay Qur'aanka fiiri Q.2-aad.

    Hordhac: Nin Filasuuf oo la hadlayay Culumada ugu caansan dhinaca Syniska reer Galbeedka ayaa yiri: Haddii ey Aqoontaadu yartahay, diin la'aan ayaad u dhawdahay, haddii aad Aqoon fiican leedahayna waxaad Aaminee Diin, waxaadna ku sii dhawaanee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hordhac: Nin Filasuuf oo la hadlayay Culumada ugu caansan dhinaca Syniska reer Galbeedka ayaa yiri: Haddii ey Aqoontaadu yartahay, diin la'aan ayaad u dhawdahay, haddii aad Aqoon fiican leedahayna waxaad Aaminee Diin, waxaadna ku sii dhawaanee Xaqiiqda. (Haddad is mooday in aad Cilmi leedahay, waa lagaa Cilmi badan yahay Qur'aanka fiiri):

2- Guriga Caaracaarada.

suurad Qu’aanka ka mid ah ayaa leh magaca Caaracaaro, isla suuraddaa waxaa Allaah uu noogu sheegay in Guriga Caaradu uu yahay, Guryaha Noolaha kan u ugu Laciifsan. Waxaana lagu tilmaamay "Owhanal Buyuut”.

Nin ayaa yiri: Caalim ayaan ahay, waxaana ogaaday in Guriga Caaradu uu yahay mid Laciif ah, sababta oo ah waxa uu u baahanyahay Dayac tir Joogta ah, mar kasta oo uu ku soo dhaco Noolihii ey ugaarsaneysay, xatta hadduu yahay mid Laciif ah, gurigu waa dalooshadaa, deg deg ayeeyna u dayac tirtaa.

Waxaa lagu yiri: Taa Hore ayaan u ogeyn oo 1400 sanno ka hor ayaa Rasuulkeenii Muxamed SCW noo sheegay.

FG: Owhanal Buyuut – Laciifnimada guriga ka sokoow, waxa Guri Karaama beel " ihaano” caarada qaar dusha sare ayeey Guri ka dhigtaan, Qaarna Godad hoose. Caarada Lab iyo tan Dhidig waxa ey dhistaan Guri , marka tan dhidigu ey Uur qaado waxa ey dishaa Ninkeeda, Meydkiisana Godka banaankiisa ayey ku tuurtaa, Ubadka ayey korisaa, Marka ey weynaadaan ,Hooyada ayey dilaan Godka banaankiisa ayeyna ku tuuraan. Waana dhaqanka Caarada ee ka jiro gurigaa Karaama la’aanta ah.

Allaah iyo Rasuulka SCW ayaa nooga cilmi leh.

La soco Qaybta 3aad.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip