Kylian Mbappe oo bartilmaameed la yaab leh u noqday koox ka dhisan Serie A

0
Thursday January 03, 2019 - 20:53:28 in Wararka by
  • Visits: 787
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kylian Mbappe oo bartilmaameed la yaab leh u noqday koox ka dhisan Serie A

    Kooxda kubadda cagta ee Juventus ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay si aad ah u xiiseyneyso xiddigga kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe. Waxaa xusid mudan inay aad u adagtahay in si sahal ah lagu helo saxiixa xiddigga kooxda PSG ee Mbapp

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubadda cagta ee Juventus ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay si aad ah u xiiseyneyso xiddigga kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe. Waxaa xusid mudan inay aad u adagtahay in si sahal ah lagu helo saxiixa xiddigga kooxda PSG ee Mbappe. Wiilkan dhallinyarada ah ayaa waxa uu yahay mid la filayo inaad noqdo midka ugu wanaagsan jiilka soo aaddan, maadaama isago oo 20 jir ah uu ku guuleystay Koobka Adduunka iyo saddexda koob ee laga ciyaaro dalka France.

Paris Saint-Germain's French forward Kylian Mbappe celebrates after scoring a goal during the French L1 football match between Paris Saint-Germain (PSG) and Olympique de Lyon (OL) on October 7, 2018 at the Parc des Princes stadium in Paris. (Photo by Anne-Christine POUJOULAT / AFP)

Tuttosport ayaa waxa ay saakay daabacday in Bianconeri ay isu biimeyneyso sidii ay Mbappe kula saxiixan lahayd, inkastoo majaldda kasoo baxda Italy ay aaminsantahay inuusan heshiiskan macquul ahayn.

PSG ayaa hadda waxaa ku socda baaritaan ku aaddan isticmaalka xeerka dhaqaale wanaagga, waxaana ay taasi sababi kartaa inay iibiso mid ka mid ah xiddigaheeda muhiimka ah.

Kylian Mbappe ayaa waxaa lagu qiimeeyaa ugu yaraan lacag dhan €200m, waxaana xusid mudan in ay Monaco kaga soo qaateen €180m.

Cristiano Ronaldo ayaa waxa uu yahay mid 34 jir ah, taasoo ka dhigan in mustaqbalkiisa uu yahay mid aanan sanado badan sii jiri doonin.

Sidaas darteed dhaqaale badan ayay u huri doontaa, iyadoo ay suuro gal tahay in Paulo Dybala ay ku qamaaraan si ay u helaan Kylian Mbappe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip