Akhriso:-Warbixin Ku Saabsan Shaqsiyadda Ergayga Gaarka Ee QM U Joogay Somalia Oo Ay DFS Cayrisay

0
Wednesday January 02, 2019 - 22:13:48 in Wararka by
  • Visits: 822
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:-Warbixin Ku Saabsan Shaqsiyadda Ergayga Gaarka Ee QM U Joogay Somalia Oo Ay DFS Cayrisay

    Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres waxa uu bishii September 12-dii ee sannadkii hore u soo magacaabay Wakiilkiisa Khaaska ee Somalia, Nicholas Haysan oo ah Diplomaasi u dhashay dalka Koonfur Afrika. Magacaabistiisa ayaa timid, kadib, markii uu E

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres waxa uu bishii September 12-dii ee sannadkii hore u soo magacaabay Wakiilkiisa Khaaska ee Somalia, Nicholas Haysan oo ah Diplomaasi u dhashay dalka Koonfur Afrika. Magacaabistiisa ayaa timid, kadib, markii uu Ergaygii hore ee QM ee Arrimaha Somalia, Michael Keating oo u dhashay Britain ka degay xilkaasi. Nicholas Haysom ayaana la wareegay xilka Ergayga Khaaska ee QM ee Somalia iyo Madaxa QM ee Hawlgalka Nabad-ilaalinta u jooga Somalia. Markaynu yara milicsano Taariikh-nololeedka Nicholas Haysom waa 66-jir, Qareen ah oo muddo dheer ku soo jiray Hawlaha Calaamiga ee diiradda lagu saaro Dowlad Dimuqraadi, Dastuurka, Dib-u-habaynta Guddiyadda Doorashadda, Dib-u-heshiisiinta iyo hababka lagu horumariyo Nabadda. Nicholas Haysom waxa uu Xilal iyo shaqooyin kala duwan ka soo qabtay QM iyo Dowladda Koonfur Afrika. Muddadii u dhexeysay sannadihi 1999-kii ilaa 2002-dii waxa uu ka mid ahaa Guddigii u xil-saarnaa Wada-xajoodkii Nabadda ee dalka Burundi, wuxuuna ka soo qabtay xilka Guddoomiyaha Guddigii wada-xaajoodka ka galay Arrimaha Dastuurka ee dalkaasi.

 
Nicholas Haysom waxa uu ku biiray QM sannadkii 2005-tii, wuxuuna soo qabtay Xilalka ay ka midka yihiin La-taliyaha Guud ee Dhexdhexaadiyaha Dadaalkii Nabadda ee Sudan, iyo Madixii Guud ee Sharciga iyo La-taliyihii Dastuurka ee Xafiiskii Madaxweynihii geeriyooday ee dalka Koonfur Afrika, Nelson Mondela.

Laga soo bilaabo sannadihii 2005-tii ilaa 2007-dii, waxa uu Nicholas Haysom soo qabtay xilalka Madixii Xafiiska Taageeradda Dastuurka ee Hawlgalkii QM ee dalka Iraq.

Sannadihii 2007-dii ilaa 2012-kii, waxa uu ahaa Agaasimaha Xafiiska Fulinta ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsanaa Arrimaha Siyaasadda iyo Hawlaha Samafalka.

Sannadkii 2012-kii, Xoghayihii Guud ee hore ee QM, Ban Ki-moon waxa uu Nicholas Haysom u magacaabay Ki-xigeenka Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ee Hawlgalkii QM ee Taageeros-iintii dalka Afganistan (United Nations Assistance Mission in Afghanistan (UNAMA) .

Sannadkii 2014-kii, waxa loo magacaabay Ergayga Gaarka ee QM ee Hawlgalkii Afganistan.

Nicholas Haysom waxaa haddana loo magacaabay Ergayga Khaaska ee QM ugu qaabilsan dalalka Sudan iyo Koonfurta Sudan, wuxuuna xilkaasi hayey tan iyo bishii Maarso ee sannadkii 2016-kii.

Xilka ugu dambeeyey ee uu haatan ku magacaaban yahay ayaa ah Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Somalia, inkastoo ay DFS shalay sheegtay inuu Ergaygu faragelin ku hayo Arrimaha Daakhiliga ee Somalia, isla markaana waxaa la amray in uu joojiyo dhamaan Hawlihii uu ka waday Somalia.

Is-qoonsiga Madaxda DFS iyo Nicholas Haysom waxaa uu salka ku hayaa Khilaaf ka dhashay Qoraal Warbixin ahayd oo uu Ergayga maalmo ka hor kaga hadlay Xarigii Mukhtaar Roobow iyo Dibadbaxayaashii bartamihii bishii hore lagu dilay Baydhabo.

Ergaygu waxa uu si gaar ah qoraalka ugu diray Wasiirka Amniga Gudaha ee XFS, Maxamed Abuukar Islow oo uu wax kaga weydiiyey sharci ahaanshaha Xarigii Mukhtaar Roobow iyo doorka ay Ciiddanka ay QM taageerto ku lahaayeen dilkii loo geystay dibadbaxyadii bishii hore ka dhacay Baydhabo.

Xeeldheerayaasha Siyaasadda ayaa rumeysan inuu Ergaygu tallax-tegay, isla markaana uu si il-duufsi leh qoraalka ugu diray Wasiir Islow, halkii uu DFS ugu gudbin lahaa.

Diplomaasiyiinta ayaa iyagana u arka in Go’aankii DFS ka muuqday sal-fudeyd ama Degdeg ahaansho, maadaama ay habboonayd inay Dariiq Diplomaasiyadeed (Diplomatic Channel) oo qarsoon u maraan Go’aan-ka-qaadashadda Ergaygaasi.

Amuurtu si kastaba ha ahaatee, Ergayga QM ee Arrimaha Somalia, Nicholas Haysom waxa uu ku khasban yahay inuu u hoggaansamo Go’aanka Dowladda iyo Sifaha Diplomaasiyadeed ee ay DFS ku asteysay inaan Ergaygaasi yahay shaqsi aan laga jecleyn dalka, lana soo dhaweyn karin "Persona non-grata”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip