Pep Guardiola oo Liverpool ku tilmaamay kooxda ugu fiican yurub

0
Monday December 31, 2018 - 11:08:38 in Wararka by
  • Visits: 687
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Pep Guardiola oo Liverpool ku tilmaamay kooxda ugu fiican yurub

    Macalinka kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa kooxda Liverpool ku tilmaamay kooxda ugu fiican qaarada yurub waqti xaadirkaan la joogo. Macalin Pep oo saxaafada la hadlayay kadib kulankii ay galabta 1-3 ku garaaceen kooxda Southambton ayaa yi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macalinka kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa kooxda Liverpool ku tilmaamay kooxda ugu fiican qaarada yurub waqti xaadirkaan la joogo. Macalin Pep oo saxaafada la hadlayay kadib kulankii ay galabta 1-3 ku garaaceen kooxda Southambton ayaa yiri "hadii kooxda ay sanadkii hore heshay 100 dhibcood oo ay xili ciyaareedkaan kalabarkiisana heshay 45 dhibcood koley aniga ahaan ma ahan mid xun"

Pep Guardiola oo hadalkiisa sii watay isla markaasna tilmaamayay in Liverpool tahay kooxda ugu fiican yurub iyo aduunkaba ayaa yiri " mushkilada jirtaa ayaa waxay tahay in kooxda ugu fiican yurub iyo aduunkaba ay waqti xaadirkaan mareyso waqtigoodii ugu fiicnaa anagana waa inaan midaas aqbalnaa”

Macalin Pep oo dareen farxadeed ka muujiyay guushii ay galabta ka gaareen kooxda Southambton ayaa yiri " waa inaan guulaha joogteynaa, sidii aan sanadkii hore u joogteynay waa inaan sidii galabta kulan kasta u badinaa markaas ayaan xaalada qiimeyn karnaa”

Hadalka macalinka kooxda Manchester City ayaa kusoo aadayo kadib markii kooxdiisa galabta guul muhiim ah ka gaartay kooxda Southanbton isla markaasna kaalinta labaad dib u soo ceshteen xili kooxda hogaanka heysaa ay 7 dhibcood ka dambeeyaan kuwaas oo shalay 5-1 ku maray Arsenal.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip