Maxaad ka taqaan beelaha Hawiye?. Qalinkii Ilyas

1
Sunday December 30, 2018 - 09:39:48 in Wararka by
  • Visits: 2517
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad ka taqaan beelaha Hawiye?. Qalinkii Ilyas

    Hawiye waa ilma Irir Samaale. Samaale waa Abka ay ka soo faracmeen beelo waaweyn oo Soomaalida kamid ah. Odayga Samaale wuxuu dhaley sagaal wiil ( Irir, Maqarre, Gardheere, Mayle, Garre, Gariire, Xamarre, Xariire, Yabuur). Xamarre iyo Xiriire lama ya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hawiye waa ilma Irir Samaale. Samaale waa Abka ay ka soo faracmeen beelo waaweyn oo Soomaalida kamid ah. Odayga Samaale wuxuu dhaley sagaal wiil ( Irir, Maqarre, Gardheere, Mayle, Garre, Gariire, Xamarre, Xariire, Yabuur). Xamarre iyo Xiriire lama yaqaan meel ay ku danbeeyaan faracoodu balse 7 kale waa la yaqaan faracoodu dadka maanta ka nool.

Qoraa Yamani ah oo magaciisu la oran jirey Maxamed Axmed Annajdi wuxuu qoraalkiisa ( Hijratul jaziirra fii fajril-Islaam wa laxaahu ) ku xusey in magaca dhabta ee Samaale uu ahaa Cusmaan Bin Muxammad Bin Xambal Bin Al Mahdi Bin Axmed Bin Muxammad Bin Caqiil Bin Abii Dhaalib. Sidoo kale Kitaabkii uu qorey Caydaruus Binu Sh- Shariif (1954:279-81) wuxuu isna ku xusey odayga Samaale In magaciisu hore ahaa Cusmaan Bin Muxammad oo u ka soo hayaamey Jasiirada Carabta qarnigii 3-aad ee Hijriyada yimidna Bariga Afrika, halkaas oo uu ku guursadey gabar u dhashey 9 wiil kuwasoo loo yaqaan ilma Samaale.

Hawiye waxey u kala baxaan: Karanle, Xaskul, Raarane, Gungundhabe, Jambeelle iyo Gorgaate.

Karanle Hawiye waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay curadka Hawiye waxeyna u kala baxaan: Kaariye Karanle, Siwaaxle Karanle, Raranle Kariye iyo Waadeere Karanle ( Murusade). Murusade wuxuu u kala baxaa Foolculus iyo Sabdi.

Xaskul Hawiye wuxuu u kala baxaa: Idde Xaskul, Xareed Xaskul, Cali Xaskul iyo reer Hilowle.

Gugundhabe wuxuu u kala baxaa Jidle, Jajeele, Baadacadde, Murile.



Jambeelle wuxuu u kala baxaa Ajuuraan iyo Hintire. Odayga Ajuuraan wuxuu dhaley 7 wiil ( Waalmugge, Waaqle, Beeydan, Saanle, Dhaqsoore, Toore, Salamagge). Beelaha Ajuuraan inta badan waxey ku taloobeen beelo kale oo Soomaaliyeed kadib burburkii boqortooyadii Ajuuraan qarnigii 16-aad.

Gorgaarte Hawiye wuxuu dhaley Maxamed, Maxamuud, Wadalaan, Silcis, Uurteen, Mashe iyo Daame.

Daame wuxuu dhaley Hiraab. Hiraab waxey u kala baxaan Mudullood,Aramle, Martile ( Shiikhaal), Uurmasoore, Bedjecel, Madarkicis iyo Maxamuud Hiraab ( Duduble). Beelaha Uurmasoore, Bedjecel Aramle faracoodu lama yaqaan meel uu ku danbeeyo.

Mudullood waxey u kala baxaan: Maxamed, Darandoole, Udeejeen, Wacweyteen.

Darandoole waxey u kala baxaan Cusmaan iyo Hillibi. Cusmaan waxaa ka baxa Wacdaan, Moobleen, Abgaal iyo Illaawey.

Abgaal waxey u kala baxaa: 1.Harti Abgaal( Warsangeli iyo Sool) 2. Wacbuudhan ( Daa’uud, Reer Mataan, Celi iyo Maxamed Muuse), 3. Warculus ( Waceysle).

Martile ( Shiikhaal) waxey u kala baxdaa Aw-Qudub, Looboge iyo Gandershe.

Maxamud Hiraab wuxuu u kala baxaan Aarsade iyo Waxadsame. Madarkicis( Habargidir) waxey u kala baxaan Cayr, Sacad, Saleebaan, Saruur iyo Sifaadle ( Sifaadle ciddi hadda kama joogto, beelo yar oo ka harey waxey ku toloobeen mid kamid ah beelaha kale ee Habargidir).

Waxaa jira beelo qorayaasha shisheeye ku tilmaamaan Pre- Hawiye oo ah faracii Samaale ( Gardheere iyo Mayle,) oo maanta Hawiye ku toloobey oo Hawiye ka tirsan kuma qayb ah, Xawaadle, Gaaljecel, Cawrmale iyo Dagoodi.

Xigasho: Buugga Taariikhda Soomaaliya ( Maxamed Ibraahim Liiqliiqato) iyo Buugga Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed ( Prof Cabdalla Mansuur).
F.G: Wixii sixid ah waan soo dhaweynayaa.

W/Q: Ilyas Mohamud Hussein



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip