Manchester United Oo Ku Dhawaaqaday Macalinkeeda Ku Meel Gaar ah

0
Wednesday December 19, 2018 - 20:53:55 in Wararka by
  • Visits: 625
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Manchester United Oo Ku Dhawaaqaday Macalinkeeda Ku Meel Gaar ah

    Kooxda Man United ayaa shalay shaqada ka ceyrisay macalinkii hogaaminaaye kooxdooda Ee Jose Mourinho Kaasoo Marxalad aan wanaagsaneen Kooxda U Horseeday. Kadib raacdeentiisa waxaa bilaawday baadi goobka badalkiisa rasmiga ah balse United ayaa ku dha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Man United ayaa shalay shaqada ka ceyrisay macalinkii hogaaminaaye kooxdooda Ee Jose Mourinho Kaasoo Marxalad aan wanaagsaneen Kooxda U Horseeday. Kadib raacdeentiisa waxaa bilaawday baadi goobka badalkiisa rasmiga ah balse United ayaa ku dhawaaqday macalin ku meel gaar ah.

Manchester United ayaa markaan si rasmi ah ugu dhawaaqday Ole Gunnar Solskjaer kasoo hogaamin doona inta xilli ciyaareedka ka dhiman, macalinkaan waxaa ku wehiln doona hogaaminta kooxda Mike Phelan oo ahaa caawiyihii waqtiga dheer la soo shaqeeyay Sir alex sido kale Michael Carrick iyo Kieran McKenna iyaga waxay si xoogan u garab istaagi doonaan Ole Gunnar Solskjaer .

"Solskjaer ayaa noqonaya macalinka Sida ku meel gaarka ah u hogaamin doona kooxda, 20 sano ayaa laga joogaa marki uu kooxda u suurta geliyay soo laabasho cajiib ah inay sameeyaan”

” Waxaan Soo dhaweeyneenaa Gunnar Solskjaer oo noqonaya macalinka hogaamin doona kooxdeena xilli ciyaareedka 2018/19″

"waxaa la shaqeen doona Mike Phelan, Carrick iyo Kieran McKenna kubaas kooxda la shaqeen doona” ayay ku daabaceen Twitter-kooda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip