Shaleemo Beydhabo & is xasuusin Taariikh hore u dhacday.

0
Wednesday December 19, 2018 - 00:26:24 in Wararka by
  • Visits: 854
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaleemo Beydhabo & is xasuusin Taariikh hore u dhacday.

    Berri, Arbaco 19 Dec.2018 doorasho ayaa Ka dhici doonto Magaalada Beydhabo sida la saadaalinayo. Haddii ey dhacdo waa la yaqaan Natiijada, Dorashada Nuucaan ah shuruudeeda waxaa Ka mid ah: A- In Codeynta Ka hor la sii magacaabo qofka Ku guuleeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berri, Arbaco 19 Dec.2018 doorasho ayaa Ka dhici doonto Magaalada Beydhabo sida la saadaalinayo. Haddii ey dhacdo waa la yaqaan Natiijada, Dorashada Nuucaan ah shuruudeeda waxaa Ka mid ah: A- In Codeynta Ka hor la sii magacaabo qofka Ku guuleeysan Doono.

B-In faragalin ey jirto, Lana isticmaalo dhaqaale iyo xoog haddii loo baahdo.

Waana tan Somalidu ey u taqiin ( Nin dooran doorta xoow dhahdeen dadkana xoow dibaajiseen)

Waa markii 3aad ee Doorasha nuucan ihi Ka dhacdo Somalia, 3 da Doorasho waxaa lagu wada beegay bisha December.

Maxaa December loogu wada beegay?

1-Doorashadii Baarlamaankii XHKS waxa la qabtay 31/ December 1984. Waxaa Ku tartamayay musharixiinta Halka Xisbi oo ahaa 171 Xildhibaan kuligoodna waa Ku guuleysteen 171dii Xildhibaan.

2- Doorashadii Madaxweynaha, waxaa la qabtay Maalin Talaado ah 23/December 1986 Natiijadana waxaa lagu dhawaaqay maalin Arbaco. Waxaa jiray Laba sanduuq oo mid Buluug ah oo ey Ku qoran tahay HAA oo Afkiisu furanyahay iyo Mid Huruud ah oo ay Ku taal MAYA oo Afkiisu meel yar Ka furan yahay, Maamulayaasha doorashadu waa u jeedaan sanduuq aad Ku ridee , waxa eyna kuu sii sheegayaan in Kan Buluuga ah aad Ku riddo( F.S: 1aad)

Natiijadu waxa ey noqotay 4.887.592 HAA iyo 1.486 Maya, taa oo macnaheedu yahay in 99.9/100 kiiba tirada cod bixiyay in ey Siyaad Bare u doorteen 7 Sanno oo Cusub in uu sii hayo xilka uu kaligii Ku tartamayay.( Caqligu ma aqbalyo natiijo nuucan ah in ey sax tahay)

3- waa tan Berrito Arbaco, 19 December 2018 la filayo in ey Baydhabo Ka dhacdo, Haddan wax kale is bedelin.

4- Dorashadan berrito waxa ey tijaabo u tahay Dorasho la filayo in ey Somaliya Ka dhacdo bisha December 2020.

Arragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii Ka khaldanna Ka sax, wixii Ka dhimanna Ku dar.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip