Sergio Aguero oo la ogaaday xilliga rasmiga ah ee uu soo laabanayo

0
Monday December 17, 2018 - 23:47:21 in Wararka by
  • Visits: 621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sergio Aguero oo la ogaaday xilliga rasmiga ah ee uu soo laabanayo

    Laacibka xulka qaranka Argentina Iyo Kooxda City Aguero ayaa seegay kulamadii ugu dambeeyay oo ay kooxdiisa ciyaarto kadib dhaawacyo soo gaaray xidigaan. Sida ay haatan warinayaan wargeesyada ka soo baxa gudaha England Sergio Aguero ayaa diyaar u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laacibka xulka qaranka Argentina Iyo Kooxda City Aguero ayaa seegay kulamadii ugu dambeeyay oo ay kooxdiisa ciyaarto kadib dhaawacyo soo gaaray xidigaan. Sida ay haatan warinayaan wargeesyada ka soo baxa gudaha England Sergio Aguero ayaa diyaar u ah in kooxdiisa caawiyo asagoo ka soo kabtay dhaawicii soo gaaray waxa uuna qeyb ka yahay xidigaha City ee diyaarka u ah inay ciyaaraan kulamada soo aadan.

Aguero ayaa haatan lagu arkay liiska ciyaartooyda kooxda City kulanka ay la leeyihiin dhigooda Leicester city ciyaarta tartanka Carabao Cup heerkiisa quarter-final-ka.

Sergio Aguero ayaa ka maqnaa kooxda Manchester City ilaa iyo shan kulan sido kale waxa uu ahaa badal aan la isticmaalin ciyaartii Evertone ay guusha ka gaareen.

Liiska Ciyaartooyda kooxda Man City diyaarka u ah kulanka Leicester City: Muric, Ederson, Walker, Danilo, Stones, Otamendi, Kompany, Laporte, Delph, Zinchenko, Gundogan, Fernandinho, Foden, B Silva, Sterling, Sane, De Bruyne, Mahrez, Diaz, F Nmecha, Aguero, Jesus.

City weli waxaa dhaawac kaga maqan xidigo muhiim ah sida David Silva Iyo daafac dambeedka bidix ee Benjamin Mendy.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip