Taliska Mareykanka ee Afrika oo sheegay in 62 Al-Shabaab ah uu ku dilay duqeyn

0
Monday December 17, 2018 - 21:05:58 in Wararka by
  • Visits: 281
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Mareykanka ee Afrika oo sheegay in 62 Al-Shabaab ah uu ku dilay duqeyn

    Taliska Mareykanka ee Afrika oo loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday duqeyn uu ka fuliyay deegaan ka tirsan Shabeellaha Hoose uu ku dilay 62 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Mareykanka ee Afrika oo loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday duqeyn uu ka fuliyay deegaan ka tirsan Shabeellaha Hoose uu ku dilay 62 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

War saxaafadeed uu soo saaray Taliska ayaa lagu sheegay in duqeymo dhacay Sabtidii iyo Axadii ay ku dileen lixdan ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Labo duqeyn oo ka dhacday deegaanka Gendershe labo maalmood isku xigta, taariikhda marka ay aheyd 15 iyo 16 bishan December.

Duqeynta koowaad ayaa lagu sheegay qoraalka in lagu dilay 34 dagaalame, halka duqeynta labaad oo dhacday shalay lagu dilay 28 dagaalame.

Sidoo kale Taliska ayaa sheegay in dhammaan waqtiyada ay dhaceen duqeynta aanay jirin qof rayid ah oo ku dhaawacantay ama ku dhimatay.

Taliska Mareykanka Africom ayaa sheegay in Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ay weeraradan qaadeen, si ay uga hortageen Al-Shabaab, soona abaabulaan weeraro deegaanada ay kaga sugan yihiin.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan duqeynta ka dhacday deegaanka Gendershe iyo sheegashada Mareykanka ee ah in 62 dagaalame ku dilay, hase ahaatee inta badan Al-Shabaab kama hadlaan duqeymaha uu Mareykanka ka fuliyo Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip