Waxaan u baahanahay Nabad cadaalad ku timid

0
Monday December 17, 2018 - 19:05:25 in Wararka by
  • Visits: 805
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaan u baahanahay Nabad cadaalad ku timid

    Nabad waa eray xambaarsan garasho mugweyn, qeexideeduna waxay ku xirantahay arimo badan oo ay ka midnoqonkaraan, aqoonta iyo ujeedada Hogaanka dalka xukuma ama kooxda mucaaradka ah laba baduba nabad ayey wax ku yihiin. Nabaddu waa tiirka koobad ee a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabad waa eray xambaarsan garasho mugweyn, qeexideeduna waxay ku xirantahay arimo badan oo ay ka midnoqonkaraan, aqoonta iyo ujeedada Hogaanka dalka xukuma ama kooxda mucaaradka ah laba baduba nabad ayey wax ku yihiin. Nabaddu waa tiirka koobad ee aasaaska nolosha ama xaalad xasiloon oo lagu wada noolaan karo. Haddii ay nabaddu meesha ka baxdo waxaa baa'ba'aya aasaaskii nolosha oo dhan dhinac kasta ha'ahaatee. Kuwa colaadda doorta, waxay u bad yihiin in ay labaduba tirtirmaan ama in midkood la jabiyo oo la gumeeyo. Waa fikit khaldan oo lagu khasaaryo. Inta taariikhda la xasuusto!

Kuwa nabadda doorta, waxay u badyihiin in labaduba badhaadhaan oo nabad ku wada noolaadaan. ujeeda lawada gaaro iyadoo la nabad qabo. Sida taariikhda ku cad

Dhibaatooyinka ka dhasha nabad la’aanta maaha oo kaliya in shacab ku dhinto oo kaliya nabad la’aanta . sida dad badan aamin sanyihin, dhibatooyinka ka dhashaa nabad la’aanta waa kuwa saamayn weyn ku leh bulshadaa qaarna waa laga soo kaban karaa qaarna lagama soo kaban karo, bal aan dib u eegno dhawr bilood ka hor xaalada baydhabo iyo xaalada hada ka jirta. colaad waa nooca

Hadaan xaalada baydhabo wax laga qaban magaalada muqdisho , kismaayo , Garoowe colaada baydhabo taal ayaa iman ee khalaafka ka bilaamatey.

Waa in dadka wax Garadka ah u istaagaan ilaalinta Nabada oo khilaafka la iska ilaaliyaa wax horumar ah laguma gaari karo.

Waa in madaxda Dawlada Fadaraalku fahan taa baahida nabadu in iyaga dan ugu jirto. Haday dawladu xirto irida Nabada Waxaa adkaanaysa in bulshadu is dhex galaan is caawiyaan ama is aaminan. oo lakala shakiyo.

Waa in siyaasada colaada keenaysa mucaarad iyo muxaafad ka fogaadaan waa in la ismaqlaa.


oo dul qaad lala yimaadaa.

Maanta 17.12.2018 caasimada muqdisho waxaa ka jira siyaasad aan wanaag saneyn oo madaxda Dawlada Faderaalku qaateen lama fahmi karo sababta rasmiga ah ee loo xiray magaalada moqdisho wadooyinkii ugu muhiin sanaa ee shacabku marayeen

Waxa dadka qaar u qaateen in ujeedada wadooyinka loo xiray tahay iyadoo maanta Xisbiga Wadajir ah uu xusayo weerarkii maanta oo kale 17 December sanadkii 2017

lagu qaaday Hoyga Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur oo dowladdu xirtay, weerarkaas waxaa lagu dilay shan ka mid ah Ilaaladiisa iyo darawal.

Arinkan haduu sida shacabku aamin san yihiin sababtaa loo xiray ay sidaa tahay waa khalad lagu bur burinayo nabada iyo xoriyada muwaadiniinta aan wax Gacan ka hadal ah sameyneyn sidee doorasho lagu gaarayaa inta fililada noocan ah dawlada Faderaalku wado?

Dadweynaha reer Muqdisho in wado laga xiro oo ay lugeyaan maaxaa keenay ma nabada magaalada muqdisho ayaa xun mese waa siyaasad xumaa dhinaca dawlada Faderaalka mise Mucaaradka ayaa Nabada diidan waa in laga heshiiyaa danta guud oo shacabka magaalada moqdisho ku nool ciqaab lagu sameeyo xaq uma laha. Goorkasta in wadooyinka laga xiri.

Shacabku nabad ayey ubaahan yihiin waa in khilaafka wado nabad ah lagu xaliyaa.

Danjire Mahamed Caalim



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip