Ra'iisul Wasaare Kheyre oo Cabdi Aadan Hoosow u magacaabay Wasiirka Howlaha Guud

0
Monday December 17, 2018 - 19:01:02 in Wararka by
  • Visits: 243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Kheyre oo Cabdi Aadan Hoosow u magacaabay Wasiirka Howlaha Guud

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wareegto uu goor dhow soo saaray waxaa uu ku magacaabay xilka Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska, maalin kaddib markii uu xilkaas iska casilay C/fataax Ibraahim Geesey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wareegto uu goor dhow soo saaray waxaa uu ku magacaabay xilka Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska, maalin kaddib markii uu xilkaas iska casilay C/fataax Ibraahim Geesey.

Magacaabidan oo aheyd mid degdeg ah ayaa waxaa xilka Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska loo magacaabay Cabdi Aadan Hoosow oo horay u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Baay.

Arrintan ayaa u muuqata mid Xukuumadda kaga jawaabeyso xaaladaha ka jira Koofur Galbeed, kaddib markii qaar ka mid ah Xildhibaanada Federaalka ay ku eedeeyeen dowladda inay faragelin ku heyso arrimaha doorashada Koofur Galbeed.

Magacaabidan ayaa timid, xilli Ra’iisul wasaaraha uu safar dibadda ah ugu maqan yahay, iyadoo muuqata xilliga ay ku soo aaday inay tahay xilli xasaasi ah oo dowladdu ay wajaheyso qalalaase ka dhashay xariggii Mukhtaar Roobow iyo Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

C/fataax Geesey oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo xilka Wasiirka Howlaha Guud ku magacaabnaa muddo dhowr bilood ah ayaa ku tilmaamay sababaha uu isku casilay inay aheyd faragelinta ay dowladda ku heyso Maamulka Koofur Galbeed iyo xariggii Mukhtaar Roobow.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip