Xanuun Waraqda / Saracda Laga Dareemo

0
Sunday December 16, 2018 - 23:37:03 in Wararka by
  • Visits: 1209
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xanuun Waraqda / Saracda Laga Dareemo

    Casharkeena maanta wuxuu ku saabsan yahay cillad badanaa bukaannadu ku wareeraan, dhakhaatiirtuna aysan ku baraarugsanayn waa xanuunka laga dareemo waraqda ama saracda (meesha u dhaxayso gumaarka lafta bisqinta iyo meesha cajarka/bowdada ka billawdo)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Casharkeena maanta wuxuu ku saabsan yahay cillad badanaa bukaannadu ku wareeraan, dhakhaatiirtuna aysan ku baraarugsanayn waa xanuunka laga dareemo waraqda ama saracda (meesha u dhaxayso gumaarka lafta bisqinta iyo meesha cajarka/bowdada ka billawdo). Waxyaabo badan ayaa keeno in xanuun laga dareemo meelahaas, laakiin waxaan ka hadlayaa kaliya xanuunka la dareemo markuu qofka lugta kor u qaadayo ama fadhiga ka toosayo ama isgadinayo isagoo jiifo markaasoo xanuunka aad loo dareemo.
Xanuunka wuxuu u qaab eg yahay sidii meel dillaacayso oo kale oo qofka gacanta ayuu ku celiyaa markuu aad u qabto xanuunka iyo markuu lugta dhaqaajinayo.
Cilladaan waxaa badanaa lagu arkaa hooyooyinka markay fooshaan iyo markay xaamilada yihin khaasatan markay cuslaadaan, waxaa kaloo lagu arkaa ragga qaarkood khaassatan kuwa ciyaartoyda ah oo banooniga ciyaaro ama kuwa xamaasho oo culeysyada qaado.

Cilladdu qaababka ay ku timaado waxaa ugu caansan 3 siyaabood oo kala ah:

Kala sikashada lafta gumaarka / bisqinleyda:

Cilladaan waa mid u gaar ah dumarka, taasoo haweenku isku arkaan foosha ka dib, waxayna ka dhalataa cunuga markuu soo dhex marayo lafta gumaarka inay ka kala sikato meesha shuunka ama bisqinta ku aadan ee loo yaqaano "symphysis pubis”, badanaa waxay ku dhacdaa hooyooyinka ilmaha miisaankooda culus dhalo ama xoog lagu fooliyo ama foosha ku daaho ama ilmaha si qaldan kafka u soo galo, hooyadu waxay dareentaa sidii lafta inay jabtay oo kale, xanuunkane wuxuu hayn karaa 3 illaa 8 bilood, haddii iyadoo safiican u biskoon ay horay ka qaado uur kale, xanuunka wuxuu noqdaa mid raago oo aan si dhakhso ah ku baab’in, hooyooyinkaan waxaa lagula taliyaa inay sameeyaan jimicsi lafahaas isku keenayo kaasoo ah in dhabar dhabar u jiifsto, lugaha soo laabto, kadibne barkin dhex geliso inta u dhaxayso lugaha iyo barida kadibne lugaha ku soo riixdo barkinta iyadoo xusullaha isku celinayso, taasi waxay dareemaysaa inuu xanuunka ka yaraanayo waa inay sidaa u sameyso joogto bilaha ka dambeeyo foosha. haddii taas ay wax tari wayso waxaa jira suun loogu talagalay cilladaan oo hooyooyinkaasi xirtaan, laakiin ma ahan cillad u baahan qalliin ama kab toona.

Dhaawaca am dillaaca seedka saracda ku jira:

Cilladaan ragga iyo dumarka way u wada siman yihiin, waxay ka dhalataa lugaha oo la kala jiido ama kala tago khaasatan waxaa isku arko ragga banooniga ciyaaro weliba markay muddo ugu dambaysay ama hooyada lagu fooliyo sariiraha caadiga ah oo lugaha loo kala celiyo, tan waxay keentaa in seedka uu kala jiidmo kadibne uu dhaawac ama dillaac soo gaaro, middaan xalkeedu waa inaadan jimicsi lugahaaga kala taagayo inaadan samayn inta seedkaasi ka raysanayo, midda kale hooyadane waa in lagu dhaliyaa sariirta ama kurisga dhalmada ee loogu talagalay iyadoo aan xoog loo adeegsanaynin.

Eernada Saracda Gasho "Inguinal Hernia”

Cilladaan ragga ayay ku badan tahay, haweenkane way isku arkaan, waa cillad ka dhalata in mindhicirrada caloosha ku jiro ay soo cadaadiyaan muruqa dabacsan ee saracda ku jiro, cadaadiskaas waxuu samaysmaa markuu qofka wax culus qaado waxaana badanaa lagu arkaa ragga xammaaliga ah, xanuunkaane waxaa badanaa la dareemaa markay eernada billaabanayso oo jidka falanayso, qofkane markuu jiirto ama qufaco wuxuu dareemayaa inay saracda soo kuusanayso, sidaas ayaa lagu fahmi karaa cilladaan, markay sidaasi u cusub tahay waxba laguma sameeyo waxaa lagula taliyaa qofka inuusan wax culus qaadin, qufaca badan iska ilaaliyo, jiirashadane ka fogaado oo calooshiisa jilciiyo, laakiin haddii ay soo baxdo waxay u baahan tahay qalliin in lagu saxo.

Sidee lagu ogaan karaa cilladahaan?

Cilladda 1-aad waxaa lagu ogaan karaa in miskaha raajo la saaro, kadibne la fiiriyo qiyaasta u dhaxayso labada laf ee gumaarka inay kala sikadeen, qof walba ma fahmi karo waxay u baahan tahay qof aqoon u leh inuu raajadaasi kuu akhriyo.

Cilladda 2-aad waxaa lagu fahmi karaa kumbuyuutarka "Ultrasound” iyadoo lagu eegayo seedka ama muruqa dhaawaca gaaray inkastoo hadduu dhaawaca khafiif yahay aan si dhakhso ah loo fahmi karin oo qofka u baahan karo sawir ka sarreeyo sida MRI oo kale.

Cilladda 3-aad waxaa lagu fahmi karaa wiisitada dhakhtarka markuu samaynayo iyo computer-ka ultrasound-ka, waa arrin si fudud loo fahmi karo, qofka laftirkiisa wuu dareemi karaa markuu qufaco in xanuunka dillaaca camal ah inuu dareemo, meeshane ay soo kuusato.

Talada SomaliDoc

Ogow meeshaas waxaa laga dareemaa xanuunno kale laakiin qaabka loo dareemo way ka yara duwan yihiin kuwaan kore, waxaa xanuunadaas ka mid ah: dhagaxaanta galo lisaha "ureter” oo ah tubada killada iyo kaadi-heysta isku xirto, Caabuqa xiniiniyaha ee "Epididymo-orchitis”, Caabuqa ku dhaco haweenka khaasatan midka galo tubooyinka iyo ugxansidaha iyo xanuuno kale. sidaa darteed waxaa muhiim ah markaad dhakhtar u tagaysid ina si qoto dheer ah uga warbixisid xanuunka aad dareemaysid iyo astaamaha kale ee la socdo intaba.

XIGASHO: Somali Medical Forums




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip