Barcelona oo u dhaqaaqeysa saxiixa laacib ka tirsan Chelsea

0
Sunday December 16, 2018 - 00:02:35 in Wararka by
  • Visits: 636
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona oo u dhaqaaqeysa saxiixa laacib ka tirsan Chelsea

    Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa waxa ay dooneysaa inay lasoo saxiixato difaaca Chelsea gadoodka ka ah ee Andreas Christensen marka uu furmo suuqa January. Sida uu daabacay wargeyska Sport ee kasoo baxa Spain, Barca ayaa diyaar u ah in laaci

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa waxa ay dooneysaa inay lasoo saxiixato difaaca Chelsea gadoodka ka ah ee Andreas Christensen marka uu furmo suuqa January. Sida uu daabacay wargeyska Sport ee kasoo baxa Spain, Barca ayaa diyaar u ah in laacibkan ay u dhaqaaqaan saxiixiisa marka la gaaro suuqa jiilaalka.




Kooxda reer Catalan ayaa waxa ay aad u baadi goobeysaa difaac beddel u noqday xiddiggooda Samuel Umtiti, kaasoo dhaawac dheer ku maqnaan doona.

Horraan ayay Barcelona isugu dayday saxiixa difaaca reer Denmark iyadoo wada hadalladii ugu horreeyay ee ay labada kooxood wada yeesheen uu ku idlaaday guuldarro, maadaama Blues ay ku gacan seertay dalabkii koowaad ee Barca.

Difaaca kooxda Ajax ayaa ka mid ah xiddigaha difaaca ka ciyaara ee ay Barcelona dooneyso, balse loollankiisa waxa uu u muuqdaa mid ay Juventus ku guuleysan karto.

Christansen ayaa waxa uu noday dookha saddexaad ee difaaca Chelsea tan iyo markii Maurizio Sarri loo magacaabay macallinka kooxda Chelsea.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip