Uganda oo Ciidamo cusub u soo diraysa Somaliya

0
Saturday December 08, 2018 - 23:04:40 in Wararka by
  • Visits: 494
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Uganda oo Ciidamo cusub u soo diraysa Somaliya

    Dowladda Uganda, ayaa sheegtay ciidan hor leh oo ka tirsan kuwa dalkeeda inay u soo dirayso Somaliya, si ay qayb uga noqdaan hawlgalka ciidamada Amisom ee Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Uganda, ayaa sheegtay ciidan hor leh oo ka tirsan kuwa dalkeeda inay u soo dirayso Somaliya, si ay qayb uga noqdaan hawlgalka ciidamada Amisom ee Somaliya.

David Muhoozi oo ah Taliyaha Ciidamada difaaca dalka Uganda, ayaa ciidamada loo diyaariyay in Somaliya loo soo kaxeeyo, wuxuu kula hadlay xero ciidan oo tababarkii ay ku soo dhameysteen.

Taliyaha guud ee Ciidanka Difaaca UgandaDavid Muhoozi, oo ciidamadan la dar daarmayay ayaa sheegay in Al-Shabaab lala dagaallami karo lagana adkaan karo, haddii Ciidamada ay u dhaqmaan sida loo tababaray.

Ciidamadan ayuu sheegay in loo tababaray sida loola dagaalamo Shabaab, habka la isku difaaco iyo qaabka loo qaado hawlgalada ka dhanka ah waxa uu ugu yeeray argagixisada.

Waxa ay ka mid yihiin ciidamadan loo soo diraayo Somaliya qaybta 26-aad ee ciidamada Difaaca dalka Uganda, muddo lix bilood ah ayeey qaateen tababarka dagaalka & isdifaacida.

Ciidamada ayuu kula dar daarmay inay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka Somaliyed marka ay tagaan dalka Somaliya oo aaney ilaawin aqlaaqdii ciidannimo ee la soo baray.

Al-Shabaab ayaa Bishii April ee Sanadkan 8 ka mid ah Ciidamada Uganda ku dilay Gobolka Shabeellaha hoose halka ay lix kale ku dhaawaceen




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip