Run sheeg Ceeb, sheeg ma ahan, Run sheeg waa Dambi ka carar!!!!.

0
Friday December 07, 2018 - 15:40:01 in Wararka by
  • Visits: 888
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Run sheeg Ceeb, sheeg ma ahan, Run sheeg waa Dambi ka carar!!!!.

    Markii aan dhiganeeynay Koleejka Jowhar, waxaa nala soo fasixi jiray Galabta Khamiista illaa Subaxa Sabtiga intaan Xisadaha la galin ka hor. Waxaan mar mar soo aadi jirnay Mogadishu, inkasta oo 2da Shillin oo baabuur raaca ah aan soo deynsan jirnay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii aan dhiganeeynay Koleejka Jowhar, waxaa nala soo fasixi jiray Galabta Khamiista illaa Subaxa Sabtiga intaan Xisadaha la galin ka hor. Waxaan mar mar soo aadi jirnay Mogadishu, inkasta oo 2da Shillin oo baabuur raaca ah aan soo deynsan jirnay, haddana waxaan dhihi jirnay haddii ey jiri leheyd Dayaarad isku xirto Xamar iyo Jowhar waxa ey noqon la heyd horuumar.
Anniga iyo Laba Macallin ayaa Bishiiba hal Usbuucaadi jirnay Magaalada Marko si aan Casharo u siino Arday ey wax bareeysay Hayad Samafal.waqtigaa waddada waxaa jiray Isbaarooyin fara badan iyo dhowr jid gooyo, waxaan dhihi jirnay , Horuumar ayey noqon leheyd haddii uu jiri lahaa Markab Dadka ka soo qaado Dekedda Xamar ee keena Dekadda Marka.

Hadda maxaa dhacay.

1-Jowhar Dayaarad ayaa loo racaa.


.
2-Marko, Ciidamada AMISOM waxaa raashinka u qaado Markab Xamar illaa Marko.

Huruumarkii aan ku haminayay sidaa ayuu u rumoobay Cir iyo Bad. Dhinaca Dhulkana Gaadiidka ugu wanaagsan ee aad isku haleyn karto waa Baabuur qafilan oo aan Xabbaddu Karin.

Berrina waxaan sugeeynaa Horuumar kale, in Xaafadaha Xamar loo kala raaco Dayaarado iyo Maraakiib. Horuumarka gaadiidku ma xumo, waxaase muhim ah sababta loo raacayo, ma Dalxiisaa mise Danaa tiri.

Saddaxdaa Gaadiid ee hadda jirto waa run, Run sheeg ceeb sheeg miyaa?

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip