La Taliyaha Amniga ee Madaxweyne Farmaajo oo dood ka keenay Warbixin VOA diyaarisay

0
Wednesday December 05, 2018 - 22:30:33 in Wararka by
  • Visits: 320
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    La Taliyaha Amniga ee Madaxweyne Farmaajo oo dood ka keenay Warbixin VOA diyaarisay

    La Taliyaha Amniga Qaranka Cabdisaciid Muuse Cali ayaa dood ka dhex dhaliyay barta Twitter-ka, kaddib markii uu dhaliil xooggan u jeediyay warbixin VOA ka diyaarisay Al-Shabaab iyo Daacish, taasoo ka hadlaysay dhaqaalaha kooxda ka helaan Shirkadaha G

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

La Taliyaha Amniga Qaranka Cabdisaciid Muuse Cali ayaa dood ka dhex dhaliyay barta Twitter-ka, kaddib markii uu dhaliil xooggan u jeediyay warbixin VOA ka diyaarisay Al-Shabaab iyo Daacish, taasoo ka hadlaysay dhaqaalaha kooxda ka helaan Shirkadaha Ganacsiga Soomaaliya oo ay ku soo rogeen inay bixiyaan lacago baad ah ama Canshuuro Warbixinta ayaa si weyn u soo shaac bixisay tartanka kooxahan Islaamiga ugu jiraan inay dhaqaale ku helaan, si ay u maalgeliyaan ololahooda iyo dagaalka ay kala soo horjeedaan dowladda Soomaaliya iyo Nabad Ilaaliyeyaasha AMISOM.

Sidoo kale warbixinta ayaa tilmaameysa khatarta iyo bartilmaameedka ay wajahayaan Shirkadaha Ganacsi ee Soomaaliya, iyadoo kooxahan ka dalbanayaan dhaqaale inay ka helaan.

Kooxda Daacish ayaa la sheegay inay bishii Agosto ee sanadkan ku dishay Boosaaso Sarkaal ka shaqeynayay mid ka mid ah Shirkadaha Isgaarsiinta, kaddib markii shirkadda ay bixin weyday lacago ay ku soo rogeen, sidoo kale Kooxda ayaa lagu eedeeyay inay toogasho ku dileen illaa sideed ka tirsan Shaqaalaha Shirkadda Hormuud, sida warbixinta VOA ay sheegtay.



Hase ahaatee La Taliyaha Amniga Qaranka Cabdisaciid Muuse Cali ayaa ku tilmaamay warbixinta VOA inay tahay mid neef siineysa Argagixisada, isla markaana looga baahan yahay lanata Afka Soomaaliga ee VOA inay dib u eegis ku sameyso warbixinada.

"Waxaan u maleynayaa in laanta Afka Soomaaliga ee VOA ay u baahan tahay in dib u eegis ku sameyso Warbixinada ay ka sameynayaan Argagixisada, kuwaasoo qaar sii xumeynaya Xaalada Soomaaliya, VOA ma ahan inay noqoto mid cabsi gelin waana inaanan iloobin dhammaan dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay Argagixisada, Dhibanayaasha argagaxisadu ay waxyeeleeyaan waa dad qoysas leh waana
in si la mid ah wararkooda la shaaciyo.”ayuu yiri Cabdisaciid oo si weyn u durayay warbixinta VOA.

Balse hadalka Cabdisaciid waxaa uu la kulmay falcelino kala duwan oo ka yimid siyaasiyiin iyo suxufiyiin, iyagoo bogaadiyay warbixinta uu diyaariyay Haaruun Macruuf.

Haaruun Macruuf oo ka jawaabayay hadalka Cabdisaciid ayaa sheegay in warbixinta lagu wareystay dhammaan ganacsatada la kulmay handadaada iyo inay bixiyaan lacago baad ah, isagoo xusay in iyagaba ay ka mid yihiin qoysaska dhabta ah ee dhibanaha u ah Argagixisada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip