Xubnaha iska casilaya Gudiga uu Magacaabay Madaxweyne Camey oo sii kordhaya.

0
Wednesday December 05, 2018 - 21:57:12 in Wararka by
  • Visits: 343
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubnaha iska casilaya Gudiga uu Magacaabay Madaxweyne Camey oo sii kordhaya.

    Xubnaha ka tirsan gudiga Xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Wakiilada Maamulka Puntland uu magacabaabay Madaxweyne Camey ayaa hada waxaa ay bilaabeen in ay ka tanaasulaan xilka loo magacaabay, taasi oo saameyn ku yeelan karto khilaafka u dhexe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubnaha ka tirsan gudiga Xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Wakiilada Maamulka Puntland uu magacabaabay Madaxweyne Camey ayaa hada waxaa ay bilaabeen in ay ka tanaasulaan xilka loo magacaabay, taasi oo saameyn ku yeelan karto khilaafka u dhexeeya labada masuul ee ugu sareysa Maamulkaasi.

Axmed Aadan Carab Waxaa uu ka mid yahay Guddigii uu magacaabay Madaxwayne Ku-xigeen Maamulka Puntland Cabdixakiim Camey Waxaa uuna Magaalada Garoowe ka sheegay inuu iska casilay xilka loo magacaabay.

Gudiga kale ee uu magacaabay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayuu ugu baaqay inay xilalkan loo magacaabay ay iska casilan.

Axmed Aadan Carab ayaa waxaa uu sheegay in uu Dawlada dhexe ay faragelin ku hayso Maamulka Puntland.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ay jiraan xubno kale oo isla maanta la filayo inay iska casilaan guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiilad Puntland ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdi Xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip