Sawirro:-Madaxweyne Muuse Biixi Oo Maanta Gaaray Tukaraq

0
Saturday November 24, 2018 - 22:06:36 in Wararka by
  • Visits: 689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Madaxweyne Muuse Biixi Oo Maanta Gaaray Tukaraq

    Madaxweynaha Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidamada Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kamid ah waftiga uu hoggaaminayo ee safarrada shaqo ku maraya deegaanada Somaliland, ayaa maanta booqasho ku tegay fadhiisimada ciidamada Somaliland ay k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidamada Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kamid ah waftiga uu hoggaaminayo ee safarrada shaqo ku maraya deegaanada Somaliland, ayaa maanta booqasho ku tegay fadhiisimada ciidamada Somaliland ay ku leeyihiin Jiidda aagga bari ee deegaankaTukaraq.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan taliyaha ciidanka Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, taliyaha ciidanka Booliska, Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo maamulka gobolka Sool, ayaa ka hor intii aanay gaadhin jiidda hore ciidamada, waxa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey deegaanka Tukaraq, iyaga oo u gudbay fadhiisimaha waaweyn ee deegaanka dhinaca Bari kaxiga, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen saraakiisha iyo saraakiil-ku-xigeennada talisyada kala duwan ee qaranku ku leeyihiin Aaggaas, halkaas oo uu madaxweynuhu salaam sharaf kaga qaatay cutub kamid ah ciidanka.

 

Taliyaha ciidanka Somaliland, Sarreeye gaas, Nuux Ismaaciil Taani oo madaxweynaha warbixin ku siiyey fadhiisimada ciidamada ee Aagga Tukaraq ku leeyihiin, ayaa ugu horrayn madaxweynaha ku bogaadiyey booqashadiisa uu ugu kuurgelayo xaaladda ciidamada, isaga oo sidoo kalena ku bogaadiyey sida uu u danaynayo daryeelka ciidanka, waxana uu yidhi, "Aad baan madaxweyne kaaga mahadnaqayaa sida wanaagsan ee aad ciidanka u taakulayso iyo sida aad markasta u doonayso in wax loo qabto ciidanka.”

 

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland, Mudane Ciise Axmed Yuusuf oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa si mug leh u ammaanay ciidamada, isla markaana ku bogaadiyey sida ay ciidan ahaan uga go’an tahay inay dalka iyo dadkaba difaacaan.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay ciidamada ku sugan jiidda hore ee Tukaraq, ayaa sharraxay sida ay ciidamadu muhiimka ugu yihiin nolosha iyo sida ay shaqadoodu u tahay midda ugu karaamada badan adduunka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, "Shaqada la isku wada raacsan yahay ee laga yaabo inaanay dheef badan lahayn, laakiin karaamo iyo ixtiraam iyo duco loo hayo, halka ugu karaamada badan ee ummadda oo dhammi isku raacsan tahay waa ciidamada Somaliland , waayo ciidamadu waa astaantii Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu ciidamada Somaliland kula dardaarmay inaanay ka niyad-jabin shaqada aan dheefta lahayn ee ay bulshadooda u hayaan, islamarkaana ay abaalkeeda heli doonaan, "Hawshaas aad gashaan haku coloolyoobina, haddaad aragtaan guryihiinna iyo dadkiinna oo dayacan haku caloolyoobina, samaha aad gelaysaan, nafta aad u huraysaan iyo dalka waxa aad u qabanaysaan Ilaahay meel kaluu idinka siinayaa markaad si wanaagsan u gudataan, markaa dhibta aad qabtaan dheef-yaraanta jirta iyo hawsha marnaba shaydaanku yuu idinka wisiisiyin,” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip