Chelsea oo hal shardi ku xirtay in ay Manchester United kaga iibsato Anthony Martial!

0
Wednesday November 21, 2018 - 22:10:34 in Wararka by
  • Visits: 654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea oo hal shardi ku xirtay in ay Manchester United kaga iibsato Anthony Martial!

    Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa si aad ah u xiiseyneysa Anthony Martial, waxaana ay rajeynayaan in ay u dhaqaaqaan bisha January, haddii ay Manchester United diyaar u tahay in ay iibiso. Qandaraaska Martial waa mid sii idlaanaya dhammaadka xill

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa si aad ah u xiiseyneysa Anthony Martial, waxaana ay rajeynayaan in ay u dhaqaaqaan bisha January, haddii ay Manchester United diyaar u tahay in ay iibiso. Qandaraaska Martial waa mid sii idlaanaya dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaana uu hoos u dhigay dalab walba oo ay United isugu dayday in ay heshiiska ugu kordhiso.

Balse kooxda Old Trafford ku ciyaarta ayaa fursad u heysata inay 12-bilood ku dallacsiiyaan heshiiskiisa, balse waxaa qasab ku ah in ay iibiyaan, haddii ay sii jirto rajo la’aanta ay ka qabaan inuu heshiis waqti dheer ah u saxiixo.

Juventus ayaa horraan laacibkan xiiso badan u muujineysay ka hor inta aysan la saxiixan Cristiano Ronaldo, waxaana Sky Sports ay sheegeysaa in United ay fahansantahay Chelsea xiisaha ay u qabto in ay January la saxiixato Martial.



Xiddigga reer France ayaa laba gool ka dhaliyay Chelsea kullankii ka dhacay Stamford Bridge horraantii xilli ciyaareedkan, waxaana Blues lagu soo warramayaa in ay iska iibin doonto qaar ka mid ah xiddigaheeda weerarka ka hor inta aysan u dhaqaaqin laacibkii hore ee Monaco.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip