Waddankee marti gelin doono kama dambeysta UEFA Nations League?

0
Sunday November 18, 2018 - 23:34:46 in Wararka by
  • Visits: 614
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddankee marti gelin doono kama dambeysta UEFA Nations League?

    Dalka Portugal ayaa marti gelin doona kama dambeysta afarta xul ee tartanka UEFA Nations League bisha June ee sanadd 2019, xilligaas oo uu tartanka yeellan doono xulka ku guuleystay. Waxa ay durba xaqiijiyeen in ay ka mid yihiin afarta xul ee ciyaar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Portugal ayaa marti gelin doona kama dambeysta afarta xul ee tartanka UEFA Nations League bisha June ee sanadd 2019, xilligaas oo uu tartanka yeellan doono xulka ku guuleystay. Waxa ay durba xaqiijiyeen in ay ka mid yihiin afarta xul ee ciyaari doonta kama dambeysta iyagoo kaalinta koowaad kaga soo baxay Group 3 oo ay kula jireen xulalka kala ah Iltay iyo Poland.

Garoonka ay ku ciyaarto kooxda FC Porto ee Estadio do Dragao iyo Estadio D. Afonso Henriques oo ku yaalla Guimaraes ayaa hadda lasii asteeyay inay marti gelin doonaan kullamada.

Faahfaahinnada rasmiga ah ayaa UEFA ay xaqiijin doontaa 3-da December oo maalin isniin ah, xilligaas oo la qaban doono isku aadka afarta waddan.

Portugal ayaa sugaya saddexda waddan ee kaalmaha koowaad kaga soo baxa Group-yada 1,2 iyo 4, waxaana afarta waddan semi-final rasmi ah ay ciyaari doonaan xagaaga soo aaddan.

5-ta June iyo 6-da June ayaa la ciyaari doonaa labada kullan ee Semi-final-ka ah kullamo bug-bax ah, halka kullanka kaalinta saddexaad iyo Final-ka la ciyaari doonto 9-ka June.

Sidaas ayuu ku dhammaan doonaa UEFA Nations League xilli ciyaareedkiisa koowaad, iyadoo xilli ciyaareedka xiga uu ku billaaban doono sidii caadiga ahayd.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip