UEFA NATIONS LEAGUE: Sida loo kala hooggaaminayo Group-yada League A

0
Sunday November 18, 2018 - 21:55:29 in Wararka by
  • Visits: 645
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UEFA NATIONS LEAGUE: Sida loo kala hooggaaminayo Group-yada League A

    Ka dib natiijadii xalay ee 0-0 ahayd kullankii dhexmaray Italy iyo Portugal, waxaan saakay isla eegi doonnaa sida hadda xaalku yahay, xulalka carbuuntay booskooda kama dambeysta tartanka afarta isugu soo hareysa, xulalka ka haray League A iyo kuwa xa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka dib natiijadii xalay ee 0-0 ahayd kullankii dhexmaray Italy iyo Portugal, waxaan saakay isla eegi doonnaa sida hadda xaalku yahay, xulalka carbuuntay booskooda kama dambeysta tartanka afarta isugu soo hareysa, xulalka ka haray League A iyo kuwa xaaladdooda aysan dhinacna u dhicin. Waxa aynu diiradda saareynaa League A oo xulalku awoodda badan ay ku jiraan

Group 1

France ayaa Group-kan hooggaanka u heysa waxaana afartii kullan ee ay ciyaartay heshay Toddobo dhibcood, waxaana kaabiga ku heysa Netherlands oo Lix dhibcood leh saddex kullan oo ay ciyaartay, iyadoo kullan uu u harsanyahay oo ay Germany la ciyaari doonto, halka Jarmalka oo kullan Holland ah u harsanyahayna uu ugu hooseeyo Group-kan, keliya 1 dhibic ayay heleen saddex kullan oo ay ciyaareen.

Sharraxaad Guud

Netherlands iyo Germany ayaa ciyaarta ugu dambeysa Group-kan ciyaarri doona, waxaana haddii xulka Dutch-ka uu guuleysto uu gaarri doonaa meesha ugu sarreysa Group-ka, taasoo ka saacideysa in uu ka mid noqdo xulalka afarta ah ee xagaaga dambe ciyaari doona Semi-finalka tartankan.

Haddii Germany ay garaacdo Netherlands-na, waxaa guuleystaha Group-kan noqonaya xulka France oo iska xaadirinaya afar-dhammaadka tartankan oo June 2019 la ciyaari doono.

Jarmalka waa uu xaqiijiyay inuu u dhacay horyaalka B ama League B, xilli ciyaareedka dambena kama soo muuqan doono League-ga A ee tartanka UEFA Nations League.

Group 2

Belgium-ka ayaa horkacaya Group-kan, waxaana ay guuleysteen dhammaan saddexdii kullan ee ay ciyaareen, kullanka Afraadna waxa ay la ciyaarayaan xulka Switzerland oo kaabiga kusoo haya, waxaana Swiss-ku ay leeyihiin lix dhibcood, halka Iceland wax dhibic ah aysan Group-kan ka calfan.

Sharraxaad Guud

Iceland waxa ay u laabatay League B, waxaana loollanka uu ka jiraa fooqa sare ee Group-kan.

Belgium-ka ayaa caawa soo dhoweynaya xulka Switzerland, waana kullanka keliya ee Group-kan ka haray.

Haddii bareejo ay ku dhammaato ciyaarta, ama ay guuleystaan Belgium-ku, iyaga ayaa usoo baxaya wareegga Semi-final-ka tartankan oo June 2019 la ciyaari doono, haddii Belgium-ka la garaaco isla markaasna laba gool iyo wax ka badan farqi ah lagu lagdo, Swiss-ka ayaa wareeggaas u gudbi doona.

Group 3

Group-kan waxaa kaalinta koowaad Toddobo dhibcood ku xoreystay Portugal, halka Italy oo ku xigana uu leeyahay Shan dhibcood, Poland ayaana ugu hooseeya Group-kan oo dhibic heysta.

Sharraxaad Guud

Xulka Portugal waxa uu xaqiijiyay booskiisa afar-dhamaadka tartankan, isagoo ciyaaray saddex kullan, bareejadii xalay ee Italy la galeen ayaa ay ku xaqiijiyeen inay yihiin guuleystayaasha Group-kan.

Italy oo afarteeda kullan ciyaartay waxa ay sii joogi doontaa League A, kaalinta labaad ee Groupkan ayayna xaqiijiyeen.

Halka Poland oo kullan micno badan aanan lahayn la ciyaareysa Portugal ay gebi ahaanba ka hartay League A, isla markaasna xilli ciyaareedka dambe waxa ay kasoo muuqan doonaan League B.

Group 4

Spanish-ka ayaa hor kacaya Groupkan ka dib afar kullan oo uu ciyaarray oo uu shaqeystay lix dhibcood, waxaana kusoo xiga England oo afar dhibic la wadaaga Croatia, balse farqi goolal kaga jira booska labaad.

Sharraxaad Guud

Spain waxa ay dhammeysatay afarteeda kullan, waxaana ay leedahay lix dhibcood, haddii kullanka England iyo Croatia uu ku idlaado bareejo qaab walba ah, La Roja waxa ay u gudbi doonnaan wareegga semi-finalka ee bartamaha sanadkan soo aaddan la ciyaarri doono.

Kullanka u dhexeeya England iyo Croatia waxa uu mid walba heystaa fursad uu Spain kaga sare mari karo, maadaama min afar dhibcood ay leeyihiin oo haddii midkood uu guuleysto uu tagi doono , sidaasna uu ugu gudbi doono wareegga xiga ee Semi-finalka.

Haddii bareejo ay ku dhammaato ciyaarta waxa ay yeelan doontaa laba weji.

Bareejada haddii ay noqoto in goolal la iska dhaliyo, waxaa sharciga gool-bannaanka (away goal) kusoo joogi doona Group-ka xulka Croatia, maadaama kullankii hore ee labadan xul uu ku dhammaaday bareejo goolal la’aan ah, England-na waxa uu u dhici doonaa League B.

Haddii bareejada ay noqoto goolal la’aan (0-0), waxaa Groupka sii joogi doono xulka England, Croatia-na waxa ay u laaban doontaa League B, maadaama farqi goolal oo deyn ah lagu leeyahay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip