Maxay kusoo idlaadeen kullamadii UEFA Nations League, gaar ahaan League A, iyo kullamadii kale ee saaxiibtinnimo ee xalay la ciyaaray?

0
Saturday November 17, 2018 - 23:38:13 in Wararka by
  • Visits: 593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay kusoo idlaadeen kullamadii UEFA Nations League, gaar ahaan League A, iyo kullamadii kale ee saaxiibtinnimo ee xalay la ciyaaray?

    Waxaa xalay la ciyaaray kullamo ka tirsan tartanka UEFA Nations League-ga, iyadoo xulka Netherlands uu garaacay France. Waxaan muhiimadda siineynaa League A Group-yadiisa oo xalay hal kullan laga ciyaaray waxaana kullankaasi uu ka tirsanaa Group 1.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa xalay la ciyaaray kullamo ka tirsan tartanka UEFA Nations League-ga, iyadoo xulka Netherlands uu garaacay France. Waxaan muhiimadda siineynaa League A Group-yadiisa oo xalay hal kullan laga ciyaaray waxaana kullankaasi uu ka tirsanaa Group 1. Waxaa foodda is daray xulalka kala ah Netherlands iyo France.

Laba gool oo ka kala yimid Giorginni Wijnaldum(44′) iyo Memphis Depay(90′) ayaa Holland ka saaciday ina cagta mariyaan qaranka difaacanaya Koobka Adduunka.

Sidoo kale xulka qaranka Masar ayaa guul muhiim ah ka gaarray xulka Tunisia ciyaar ka tirsanayd is reebreebka koobka qaramada Africa.

Naim Sliti ayaa hooggaanka u dhiibay xulka Tunisia daqiiqaddii 13-aad ee ciyaarta, waxaase ka daba keennay Trezeguet oo daqiiqaddii 32-aad gool bareejo ah u dhaliyay xulka Egypt.

Markii dib la isugu soo laabtay waxaa hooggaanka ciyaarta heshay Masar oo goolka labaad uu u dhaliyay Baher El Mohamadi oo daqiiqaddii 62-aad shabaqa gaaray, hase ahaatee markale waxaa Tunisia goolka bareejada u dhaliyay Naim Sliti.

Ugu dambeyn daqiiqaddii 90-aad ee ciyaarta waxaa Egypt goolka guusha u dhaliyay Mohamed Salah.



Dhanka kale waxaa la ciyaaray kullamo saaxiibtinnimo oo xulal waaweyn ay ciyaarreen, waxaana ka mid ah kullankii dhex maray Uruguay iyo Brazil.

Rigoore uu dhaliyay Neymar daqiiqaddii 76-aad ayaa guud ahaan kullanka go’aamiyay oo ay Brazil kaga adkaatay xulk Uruguay.

Sidoo kale Argentina ayaa waxa ay garaacday dhiggeeda Mexico kullan saaxiibtinnimo oo labada xul dhex maray.

Ramiro Funes Mori ayaa goolka koowaad u dhaliyay Argentina, ka hor inta uusan Isaac Brizuela si lama filaan ah gool isaga dhalinin daqiiqaddii 83-aad.

Ciyaarta ayaana kusoo idlaatay 2-0 oo ay Argentina ku adkaatay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip