Xildhibaan Cosoble "Guddoomiye C/weli Muudey waa afduubtay Baarlamaanka wuxuu ka dhigay Dugsi qur'aan…."

0
Wednesday November 14, 2018 - 20:22:52 in Wararka by
  • Visits: 249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Cosoble "Guddoomiye C/weli Muudey waa afduubtay Baarlamaanka wuxuu ka dhigay Dugsi qur'aan…."

    Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa ku eedeeyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/weli Muudey inuu sameeyay xadgudub ka baxsan xeer hoosaadka Baarlamaanka, isagoo sheegay inuu afduubta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa ku eedeeyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/weli Muudey inuu sameeyay xadgudub ka baxsan xeer hoosaadka Baarlamaanka, isagoo sheegay inuu afduubtay Baarlamaanka.

Xildhibaan Cosoble oo la hadlayay telefishinka Dalsan TV, kaddib markii uu soo dhamaaday kulankii Baarlamaanka ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay maanta si aqlabiyad leh ku ansixiyeen qaraarkii ay soo jeediyeen Guddiga Maaliyadda ee ku aadanaa dib u eegista Miisaaniyadda sanadka 2018.

Hase ahaatee waxaa uu xusay in qalad aad u weyn sameeyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/weli Muudey oo shir guddoominayay kulankii maanta.

"Maanta Baarlamaanka qalad aad u weyn ayaa ka dhacay oo uu sameeyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/weli Muudey oo ah xeer taraar aad u qaldan, waxaa uu diiday xaqa ay leeyihiin Xildhibaanada oo uu xeer hoosaadka siinayo in Xildhibaanka ay ra’yi ku dari karaan soona jeedin karaan haddii toosan ay timaado”ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Guddoomiye C/weli Muudey uu diiday inay Xildhibaanada hadlaan, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay afduub aad u weyn.



"Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka waa afduubtay, Xildhibaanada inay hadlaan waa diiday Xildhibaanka dalbaday inuu hadlo oo wax saxo waa ka diiday, taasna waa arrin khilaafsan xeer hoosaadka, waa dhaqan aad u liitay oo xun oo aan loo baahneyn inuu Baarlamaanka ku sii socdo, anaga uma dooran Guddoomiye C/weli Muudey inuu Baarlamaanka ka dhigo dugsi qur’aan asiga leeyahay wixii uu doono marsiiyo”ayuu si kulul u yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka.

Ugu dambeyn Xildhibaan Cosoble ayaa sheegay in Guddoomiye kuxigeenka 1aad ay kala xisaabtamayaan tallaabada uu sameeyay, isla markaana ay kala hadli doonaan arrintan Guddoomiyaha Baarlamaanka, marka uu safarka ka soo laabto.

 

xigasho:_jowhar.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip