Wakiilka Skriniar oo qalbiga ka dilay Manchester United!

0
Wednesday November 14, 2018 - 19:46:41 in Wararka by
  • Visits: 298
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakiilka Skriniar oo qalbiga ka dilay Manchester United!

    United ayaa xagaagii waxa ay ku guuldarreysatay inay lasoo wareegto difaaca Leicester City ee Harry Maguire iyo Tottenham xiddiggeeda Toby Alderwiereld, waxaana weli Jose Mourinho uu ka cabanayaa inuu heysan difaacyo tayo sare leh. Inkastoo uu had

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

United ayaa xagaagii waxa ay ku guuldarreysatay inay lasoo wareegto difaaca Leicester City ee Harry Maguire iyo Tottenham xiddiggeeda Toby Alderwiereld, waxaana weli Jose Mourinho uu ka cabanayaa inuu heysan difaacyo tayo sare leh. Inkastoo uu hadda Victor Lindelof sameynayo bandhig wacan oo joogto ah, haddana waxaa calaamad su'aal ay dul saarrantahay Chris Smalling iyo Phil Jones, iyadoo Eric Bailly iyo Marcos Rojo gebi ahaan aysan qayb ka ahayn qorshahiisa.

Hase ahaatee Milan Skriniar oo bartilmaameed u ah Red Devils wakiilkiisa lagu magacaabo Karol Csonto ayaa caddeeyay in xiddigga reer Slovakia uu wada hadallo kula jiro Inter si uu heshiiska ugu kordhiyo.

"Waxa aynu ku jirnaa wada hadal” ayuu yiri Csonto, xilli qandaraaskiisa hadda uu ku egyahay 2022.

"Waa aynu ka shaqeyneynaa. Waxaan wajihi doonnaa arrin xasaasi ah bilaha soo socda” ayuu yiri isagoo ka jawaabaya su’aashii ku qotontay heshiis cusbooneysiinta Skriniar ee Inter.

Csonto ayaa sidoo kale qiray in Skriniar uu aad ugu faraxsanyahay u ciyaarista Nerazzuri isagoo sheegay in 23-jirkan uu dadaal buuxo u sameeyo si uu kaga caawiyo inay guuleysato.

Si kastaba ha ahaatee, heshiis cusbooneysiinta xiddiggan keliya ma saameyneyso Manchester United ee sidoo kale waxa ay dhabar jab ku noqoneysaa kooxaha kale ee doonayay saxiixiisa sida Barcelona iyo Real Madrid.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip