Cali Maxamed Geeddi oo u gogol xaaraya wada hadal dhex mara Jubbaland iyo dowladda Federaalka

0
Wednesday November 14, 2018 - 19:14:20 in Wararka by
  • Visits: 226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Maxamed Geeddi oo u gogol xaaraya wada hadal dhex mara Jubbaland iyo dowladda Federaalka

    Ra'iisul Wasaarihii hore ee dowladdii KMG ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaarihii hore ee dowladdii KMG ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland.

Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland iyo saraakiil ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana loo galbiyay Guriga Martida.

Ilo kala duwan ayaa sheegaya in ujeedka socdaalka Cali Maxamed Geeddi ee Kismaayo inuu yahay sidii uu ugu gogol xaari lahaa wada hadal dhex mara dowladda Federaalka iyo Jubbaland.

Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, si uu ugu qanciyo wada hadalka dowladda Federaalka.

Cali Maxamed Geeddi ayaa ka mid ah siyaasiyiinta la dhacsan dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, isagoo taageero u muujiyay.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ka soo bilowday Jubbaland, kaddib markii Saraakiil ciidan oo dowladda Federaalka u dirtay Kismaayo dib loo soo celiyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip