Ciidamada Booliska KGS oo lagu amray in doorashada Maamulkaasi ay dhex dhexaad ka ahaadaan

0
Wednesday November 14, 2018 - 19:05:47 in Wararka by
  • Visits: 210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Booliska KGS oo lagu amray in doorashada Maamulkaasi ay dhex dhexaad ka ahaadaan

    Taliyaha Ciidamada Booliska Koonfur Galbed Soomaaliya Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa Ciidamada Booliska Maamulkaasi ugu digay in ay siyaasada ku dhex milmaan. Waxa uu sheegay in Tilaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonaan askarigii isku daya in uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidamada Booliska Koonfur Galbed Soomaaliya Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa Ciidamada Booliska Maamulkaasi ugu digay in ay siyaasada ku dhex milmaan. Waxa uu sheegay in Tilaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonaan askarigii isku daya in uu siyaasada gaar ahaan arrimaha doorashada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya faraha lasoo gala, uuna ku weyn karo shaqadiisa.

"Ciidanka waxaan rabnaa in ay ka dheeraadaan oo ay ka feejigneedaan siyaasada, hadii lagu arko askari u janjeera musharax tilaabo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadayaa, marka waxaa askarta faraynaa gaar ahaan Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed in ay shaqadooda qabsadaan oo ay amniga ka shaqeeyaan” ayuu sheegay Taliyaha Booliska Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Taliye Mahad oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo.

Hadalka Taliyaha ayaa kusoo aadaya xili dhawaan loo madalsanyahay in doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi ay ka qabsoonto Magaalada Baydhabo ee Xarunta kumeel gaarka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip