HALKAAN KA AKHRISO:- WAA BOGGA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 14-KA NOVEMBAR 2018-KA

0
Wednesday November 14, 2018 - 09:33:58 in Wararka by
  • Visits: 410
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WAA BOGGA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 14-KA NOVEMBAR 2018-KA

    WASIIR CAWAD OO ITOOBIYA KULA KULMAY XULKA QARANKA SOOMAALIYA Danjire Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa kulan casho sharaf ahaa u sameeyay Ciyaartoyda xulka Qaranka Soomaaliyeed oo ku sugan Magaalada Addis A

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WASIIR CAWAD OO ITOOBIYA KULA KULMAY XULKA QARANKA SOOMAALIYA Danjire Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa kulan casho sharaf ahaa u sameeyay Ciyaartoyda xulka Qaranka Soomaaliyeed oo ku sugan Magaalada Addis Ababa.

Waxa ay isku diyaarinayaan isreebreebka Ciyaaraha Olombikada oo lugta hore ay la ballansan yihiin Xulka Itoobiya.

Wasiirka oo la kulmay dhalinyarada ayaa ku dhiirageliyay sidii ay guulo ugu gaari lahaayeen dhiggooda Itoobiya oo ay la ballansan yihiin.

Ciyaartoyda da’dooda ka hooseysa 23sano jirka ayaa maanta oo Arbaco ah la ciyaaraha Xulka Itoobiya oo lugta koowaad ka dhici doonto Magaalada Addis Ababa.



46178246_2230057837239766_5991922867653050368_o 

Isreebreebka Ciyaarta u dhaxeysa 23jirada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ah Ciyaaraha Olombikada ee lagu qabanayo Magaalada Tokyo ee Dalka Japan sanadka 2020ka.

 

SOMALILAND OO SHAQAALEYSIINEYSO 954 MACALIN

hormoodka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo Hay’adda Shaqaalaha dawladda, ayaa kulan ballaadhan oo ay la yeesheen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynekuxigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa ay kaga dhawaaqeen shaqaalaysiinta ugu yaraan 954 (sagaal boqol iyo afar iyo konton) macallin oo muddo dheer mushahar la’aan ugu shaqaynayey umaddooda.

Macallimiinta la shaqaalaysiiyey oo ka hawlgasha 1,081ka Dugsi ee ay dawladdu leedahay ee ku yaalla guud ahaanba dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la hawlgeliyey kaddib Kormeer ay sameeyeen 15kooxood oo ka kala socda Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu, waxana ay macallimiintaasi si rasmi ah uga mid noqon doonaan shaqaalaha rasmiga ah ee qaranka, kuwaas oo heli doona mushahar joogto ah.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda, Mudane Sharma’arke Axmed Muxumed Geelle oo kulanka ay la qaateen madaxweynaha kaddib warbaahinta la hadlay, ayaa u bushaareeyey dhammaanba macallimiintii mushahar la’aanta muddada kala duwan ugu soo shaqaysay qarankooda, kuwaas shaqaale rasmi ah noqday, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, "Shalay waa u bushaaro iyo barkhad guud ahaanba macallimiinta Jamhuuriyadda Somaliland ee ku kala sugnaa guud ahaan dugsiyada dalka in ku dhawaad kun qof, shalay kulankii madaxweynaha kaddib wasaaradda waxbarashada iyo Hay’addaa shaqaaluhu ay shaqaalaysiinayaan.”

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda, ahna sii hayaha xilka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane, Yaasiin Xaaji Maxamuud (Farotoon) oo isaguna halkaas kahadlay, ayaa isaguna hoosta ka xarriiqay in hay’adda shaqaalaha dawladda iyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku ay waqti badan geliyeen hubinta iyo kala hufidda macallimiinta, natiijadiina noqotay shaqaalaysiinta macallimiinta muddada tabarruca kusoo shaqaynaysay, waxana uu yidhi, "Shalay madaxweynaha iyo madaxweynekuxigeenka qaranku waxa ay shir weyn oo ujeeddadiisu tahay shaacinta natiijadii kasoo baxday kormeer ballaadhan oowasaaradda waxbarashada iyo hay’adda shaqaaluhu wada qaadeen oo ku saabsan sidii loo sugi lahaa arrimo badan oo la xidhiidha waxbarashada, gaar ahaan macallimiinta iyo shaqaalaha wasaaradda waxbarashada, kuwaas oo duruufo kala duwan ku jira oo lasoo tiro koobay, waxana halkan loo joogaa in lagu dhawaaqo in Kun ku dhawi inay shalay noqoto shaqaale rasmi ah.”

SARKAAL AJNABI AHAA OO LAGU DILAY DEGMADA JILIB

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Dhexe ayaa ku warramaya in habeen hore Al Shabaab sarkaal Ajnabi ahaa ay ku dileen gudaha degmada Jilib ee gobolkaasi.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Abuu Anas Al Misri ayaa uu dhashay wadanka Masar, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Dilka sarkaalkani ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Masjid uu ku sugnaa oo ku yaalla gudaha degmadaasi.

Waxaana la sheegay in sarkaalka Ajnabiga ee la dilay uu diiday in isku soo dhiibo Xarakada Al Shabaab.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in Al Shabaab ay xabsiga dhigeen Rag Soomaali iyo Ajaaniib isugu jira, kuwaas oo looga shakiyay in ay xariir la leeyihiin Kooxda Daacsh.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona degmada Jilib ay ka taagan tahay xiisad ka dhex aloolsan xubno sare oo ka wada tirsan Al Shabaab.

WIIL MOBILE DARTIIS UGU DHINTAY WABIGA BALCAD!!

Wiilkaan oo lagu Magacabi jiray Maxamed Amiin Cali Xaaji ayaa waxa uu Sharad la galay Wiil kale oo dhalinyaro oo ay ku wada sugnaayeen degmada Balcad oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wiilka geeriyooday ayaa waxa uu sharad ah in Wabiga dabaal uu uga gudbo waxa uu la galay wiil kale,waxaana dhex yaalay Mobile Smartphone ah oo lasiinayo qofkii gudba,balse isagu uu ka gudbi waayay sidaasina uu ku geeriyooday.

Wariyaheena ku sugan degmada Balcad ayaa sheegay in Wiilkaas u deganaa Xaafada Waaberi Irdoole oo ka mid ah Xaafadaha degmada Balcad da’diisana lagu qiyaasay ilaa 18 jir.

Dhacdadaan ayaa aad uga naxay dadka ku nool degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe,waxana haatan socda dadaalo Wabiga looga baadi goobayo Meydka Wiilka oo uu Wabiga qaaday.

Dhinaca kale Ciidamada Booliska degmada Balcad ayaa Xabsiga dhigay wiilkii kale uu Sharadka la galay wiilka Wabiga uu qaaday,iyada oo dadweyne farabadan ay tageen goobta lagu tuhmayo in Wiilka Wabiga uu ka qaaday.

RW ku xigeenka Dalka oo Daah furay Madasha Siyaasada Dhaqaalaha Qaranka..

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa shalay daah furay Madasha Siyaasada Dhaqaalaha Qaranka oo ay ka qeyb galayaan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Ganacsato, Xubno ka socda Jaamacadaha Dalka iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa soo bandhigay Daraasado ku aadan halka uu marayo dhaqaalaha dalka xiligan iyo sidii loo jiheyn lahaa, iyadoo Wadajir la iskaaga kaashanayo sidii loo hormarin lahaa ilaha Dhaqaalaha loogana gudbo Waxyaabaha caqabadaha ee hortaagan hormarka Dhaqaalaha Dalka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka ayaa furiaanka shirkan ka sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay xoogga saartay sidii dhaqaalaha dalka loo kobcin lahaa, iyadoo Xukuumadda Soomaaliya ay sameysay isku tashi.

Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka ayaa si gaara diiradda u saareysa Qodobo ay ka mid yihiin Kobaca Dhaqaalaha, Hanaanka loo hirgalin karo, Maalgahshiga dalka, La dagaalanka Musuq maasuqa iyo Sidii looga qeyb qaadan lahaa hindisahaasi.

YEYSAN DANTIISU KU JIRIN ISU SOO DHAWAANSHAHA GEESKA AFRIKA?

Abiy Axmed ayuu ahaa hogaamiyihii soo qaaday in hal hogaan ay yeeshaan

Beryahan waxaa aad loo hadal hayey isu soo dhawaanshaha madaxda gobolka geeska Afrika, iyo suurtogalnimada in hal hogaan ay yeeshaan mustaqbalka dalalka gobolka.

Waxaan hore wax uga qornay sida ay macquul u tahay. Qormadanna waxaan ku eegaynaa dhinacyada "aysan dantu ugu jirin" in dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay hal hogaan yeeshaan.

Jabuuti

Dhinac marka laga eego siyaasadda hadda socota ee ay aadka isugu dhow yihiin hogaamiyeyaasha seddexda waddan, waxaan qayb ka ahayn waddanka Jabuuti.

Jamhuuriyadda Jabuuti waxay ka mid tahay dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, wuxuuna khilaaf kala dhaxeeyaa Eritrea oo hadda loo fadhiyo in laga qaado cunaqabatayntii saarnayd muddada ku dhow tobanka sano.

Waxay tirsanaysay in arrimaha Soomaaliya lagu tixgalin doono, waxna laga weydiin doono.

Jabuuti iyo Eritrea : Miro gunti ku jira iyo kuwa geed saaran

Saamayn intee la'eg ayuu Soomaaliya ku yeelan karaa isbahaysiga saddex geesoodka ah ee Dubai?

Jabuuti waxay ka carootay in Farmaajo uu u ololeeyo in Eritrea cunaqabataynta laga qaado

Waxay kaloo ka filaysay Soomaaliya in ay kala tashato wixii go'aan ah ee ay ka qaadanayso arrimaha mandiqadda iyo isbeddellada socda.

Labadaba waxay u muuqdaan in aysan dhicin.

Gaar ahaan tan dambe waxay ka caraysiisay Jabuuti oo caradeeda si ficil ah u muujisay ka dib markii ay safiirkeeda Soomaaliya ka fadhiya u yeeratay.

"Annagu waxaan ka sugaynay Soomaaliya inay annaga iskaaya barbar taagto, oo ay tiraahdo, haddii ay oranaysaba, 'Jabuuti dhulkeeda Eritrea ha ka kacdo, maxaabiista walaalaheen ah ee reer Jabuutina ha la sii daayo', laakin inay tiraahdo Eritrea cunaqabataynta ha laga qaado, waxaan u aragnaa walaalahayo is barbartaag ay isbarbar taageen ciddii naga gardarnayd, taana ma ahayn mid aan filanaynay" ayuu yiri safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan oo BBC u warramay.

Inkastoo Madaxweynaha Soomaaliya uu booqday Jabuuti, waddooyin diblomaasiyadeedna loo maray in la dhayo dhaawaca soo gaaray xiriirka labada dawladood, misna weli ma cadda heerka lagu tilmaami karo inuu shalay joogo xiriirkaas.

Maamul goboleedyada waxaa ka soo xirmay albaabkii uga furnaa Itoobiya

Maamul goboleedyada Soomaaliya

Xukuumadihii Itoobiya ka jirtay ka hor Abriil 2018 waxay ahaayeen kuwo aad u taageeri jiray maamullada gobollada Soomaaliya.

Dhanka kale marka laga eegana, xukuumadahaas ka jiray Itoobiya waxaa la sheegaa in aysan marnaba xiriir wanaagsan la lahayn xukuumadihii dhexe ee Soomaaliya.

Shaafici Shariif Maxamed oo ah cilmi baare jooga Muqdisho wuxuu qabaa in taas bil cagsigeeda ay arrintu tahay iminka.

"Waxaa isa soo guraya fursadihii maamul goboleedyada uga furnaa dhanka Itoobiya, waxaana soo xirmaya albaabadii gorgortanka" ayuu yiri Shaafici.

Rajadii aqoonsiga ee Somalia ceel ayey ku sii dhacday

Somaliland

Wuxuu intaa ku daray Dr Shaafici in jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ay kaba sii daran tahay maamullada federaalka ee ku hungoobay Itoobiya.

"Rajadii ay Somaliland ka lahayd in aqoonsi ay hesho ceel ayey ku sii dhacday, waana tii uu Faysal Cali Waraabe lahaa 'albaabadii oo dhan way naga soo xirmeen. Xataa Itoobiya nama aysan aqoonsan innagoo bad siinnay'. Si haddii loo fiiriyo waxay fududaynaysaa arrintaas wadahadalladii Soomaaliya iyo Somaliland" ayuu yiri Shaafici.

Isbeddellada gobolka ka socda ayaa dadka wax indha indheeya waxay u arkaan inay yihiin kuwo aan la saadaalin karin, laakin "haddii Jabuuti ay ku qanci weydo qaabka ay hadda wax u socdaan, ee ah is xulafaysiga Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, waxaa suurtogal noqonaysa inay soo dhoweysato Somaliland oo ay gashato booskii Soomaaliya" ayuu yiri Shaafici.

BBC..

HOWLGAL ISBAARO QAADIS AH OO SHALAY LAGA SAMEYAY SHABEELAHA HOOSE.

Ciidamada Militariga Soomaaliya ayaa shalay waxaa ay howlgalkan ka dhan ah Jidgooyinka ay ka sameeyeen Wadada isku xirta Degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Ujeedka Howgalka ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay sidii looga hortagi lahaa kooxaha inta badan dhaca u geysta dadka shacabka ee ku safra wadada isku xirta Degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa KNN u Sheegay in dhowr jidgooyooyin ah laga qaaday Wadada u dhexeysa Afgooye iyo Wanlaweyn ee Gobalka Shabeelahaa Hoose.

shabaab-iyo-iida-6-560x420-560x330 Wadada Xiriirisa Degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn ayaa inta badan waxaa lagu dhibaateeyaa shacabka Soomaaliyeed ee ku safra Wadadaasi.

TELEFISHANKA CNN OO TRUMP DACWEEYEY

Telefishanka CNN ayaa dacwad ku oogay maamulka Trump ka dib markii Aqalka Cad ruqsaddii kala noqday mid ka mid ah wariyeyaashiisa sarsare.

Madaxii weriyeyaasha uga soo warama Aqalka Cad, Jim Acosta, ayaa laga qaaday kaarkii weriyenimada ee uu ku galayey todobaadkii hore saacado uun markii ay hadal tagtaagan is weydaarsadeen Trump.

Shabakaddu waxay ku doodaysaa in dhacdadaasi xad gudub ku ahayd xuquuqda dastuuriga ah ee Acosta.

Dacwaddan oo laga furay maxkamadda Washington DC Salaasadii, ayaa Madaxweynaha iyo laba ka mid ah kaaliyeyaashiisa ku sheegtay dadka laga eed sheeganayo.

Waxaana ka mid ah madaxa shaqaalaha John Kelly iyo afhayeenka Aqalka Cad Sarah Sanders oo sheegtay in sababta ruqsadda Acosta loola noqday ahayd habdhaqan aan la aqbali karin dartii.

Aqalka Cad oo kaarka lagu galo kala laabtay weriyaha CNN Jim Acosta

CNN iyo BBC oo wararkooda la been abuuray

Intii ay socdeen su`aalaha weriyeyaasha, ayuu Acosta kula loollamay adeegsiga Trump ee erayga "qabsasho" isagoo kala jeeda qulqulka muhaajiriinta ka imaanaya Ameerikada Dhexe ee galaya Mareykanka. Wuxuu sidoo kale kula loollamay xayeysiinta ka hortagga muhaajiriinta oo loo arkay inay tahay mid takoor ku saleysan.

Markii uu Acosta isku dayay inuu su`aal ka weydiiyo baaritaanka Ruushka ee faragelintii la sheegay inuu ku lahaa ololihii madaxtinnimada sanadkii 2016, ayuu Trump ku celceliyay "intaas ku jooji" isla markaana "makarafoonka dhig".

Gabar ka tirsan shaqaalaha Aqalka Cad ayaa isku dayday inay makarafoonka ak qaaddo weriyaha, kaddibna Acosta ayaa diiday inuu u dhiibo isagoo ku yiri "iga raalli noqo marwo".

Trump ayaa kaddib ka tegay masraxa, kaddib wuu soo laabtay isagoo yiri: "CNN waa inay ceebsataa inaad adiga oo kale uu u shaqeyso. Waxaad tahay qof xun oo xaasid ah." Wuxuu intaas ku daray: "Sida aad ula dhaqantay Sarah Huckerbee [xoghayihiisa warbaahinta] waa si qaab daran," isagoo aan sababta sharrixin.

Weriye kale ayaa difaacay Acosta, isagoo ku sheegay inuu yahay "weriye fiican". Trump ayaa u jawaabay, "hagaag taageere kuuma ihi adiga xitaa," kaddibna waxaa is qabsaday qosolka dadkii goobta joogay.

Acosta ayaa CNN u sheegay inuu weydiinayay su`aal uusan Trump jecleysan taas oo sababtay inay hadallo is dhaafdhaafsadaan. Wuxuu beeniyay inuu u gacan qaaday gabadha, isagoo yiri: "Waxaan isku dayay inaan makarafoonka haysto si aan su`aalo u weydiiyo madaxweynaha."

Guusha Ilhaan Cumar iyo arrimaha ku gadaaman

Wuxuu sheegay inuusan wax khalad ah sameynin, balse uu u maleynayo mid uu Aqalka Cad uga dan leeyahay inuu cadaadis ku saaro weriyeyaasha.

CNN ayaa qoraal ay Twitterka soo dhigtay ku sheegtay in kaarka weriyaha lagala laabtay ay aargoosi u tahay su`aalihii kululaa ee Jim Acosta.

Ururka Weriyeyaasha ka soo warrama Aqalka Cad ayaa tallabadaasi ku tilmaamay mid aan sal lahayn, waxayna ugu baaqeen Aqalka Cad inuu degdeg uga laabto amarkaas.

SARKAAL AJNABI AHAA OO LAGU DILAY DEGMADA JILIB

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Dhexe ayaa ku warramaya in habeen hore Al Shabaab sarkaal Ajnabi ahaa ay ku dileen gudaha degmada Jilib ee gobolkaasi.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Abuu Anas Al Misri ayaa uu dhashay wadanka Masar, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Dilka sarkaalkani ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Masjid uu ku sugnaa oo ku yaalla gudaha degmadaasi.

Waxaana la sheegay in sarkaalka Ajnabiga ee la dilay uu diiday in isku soo dhiibo Xarakada Al Shabaab.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in Al Shabaab ay xabsiga dhigeen Rag Soomaali iyo Ajaaniib isugu jira, kuwaas oo looga shakiyay in ay xariir la leeyihiin Kooxda Daacsh.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona degmada Jilib ay ka taagan tahay xiisad ka dhex aloolsan xubno sare oo ka wada tirsan Al Shabaab.

RW KHAYRE OO GUDOOMIYAY SHIR LOOGA HADLAY DAYN CAFINTA SOOMAALIYA

khayre-620x330 Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa shalay guddoomiyay Shirka toddobaadlaha ah geeddi socodka cafinta daymaha lagu leeyahay Soomaaliya oo lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda.

Wasiirka maaliyaddaa, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo natiijada kulanka uga warbixiyay warbaahinta ayaa sheegay intii uu socday in kulankii shalay looga hadlay meesha uu marayo qorshaha dayn cafinta.

Bayle ayaa tilmamay in ay ra’iisul wasaare Khayre ay uga warbixiyeen guulaha laga gaaray shuruudaha dayn cafinta ee dawladda lagu xiray iyo shaqooyinka qabyada ah ee dhammaytirka u baahan ah kahor shir dawladda Soomaaliya iyo IMF ay uga wada hadlayaan dardar gelinta cafinta daymaha Soomaaliya, kaas oo Nairobi ka dhacaya bisha December ee sannadkaan.

Shirka Toddobaadlaha ah ee geeddi socodka dayn Cafinta Soomaaliya oo ay kasoo qayb galaan dhammaan dhinacyada qaybta ka ah geeddi socodka ayaa looga hadlaa qodobada ka fulay heshiiskii Hay’adda lacagta adduunka (IMF) iyo Dawladda Soomaaliya, iyo dardar gelinta qorshayaasha fududaynaya in Soomaaliya daynta laga cafiyo.


MAXKAMADDA CADAALADDA YURUB OO XUKUN KA SOO SAARTAY DACWAD DHADHANKA CUNTADA AH

Maxkamadda ugu sarraysa ee Midowga Yurub ayaa waxay xukuntay in aan xeerka lahaanshaha xuquuqda lagu dabaqi karin dhadhanka, waxaanay xukunkaa ka soo saartay dacwad ka taagnayd Burcadka [cheese] Holland soo saarto.

Maxkamadda Caddaaladda ee Yurub waxay sheegtay in dhadhanka cuntadu yahay "wax kala duwan oo dookha qofka ku xidhan" sidaa awgeed na aan lagu dabaqi karin xeerka lahaanshaha xuquuqda.

Maxkamadda waxa la hor geeyey dacwad ah lagu oogay Burcadka iyo sooska ay soo saarto shirkadda Levola.

Trump oo ka digay dacwad lagu soo oogo

Cabdi Maxamuud Cumar oo shalay maxkamad la hor geynayo mar kale

Sir Cliff Richard oo BBC dacwad kaga guulaystay

Levola ayaa waxay ku dacwoonaysay in shirkad kale oo soo saarta Burcadka la yidhaa Witte Wievenkaas , ay ku xad gudubtay xuquuqdii lahaanshaha dhadhanka.

Waxaanay shirkaddu sheegtay in Burcadkeeda Heksenkaas farsamada lagu sameeyaa tahay mid sharciga lahaanshuhu ilaalinayo, waxaanay ka dalbatay maxkamadaha in shirkadda kale ee soo saarta Witte Wievenkaas la faro in ay joojiso iibinta iyo soo saarka Burcadkaas.

Maxkamadda Caddaaladda Midowga Yurub waxa dacwadda u gudbisay maxkamadda racfaanka ee Holland si ay xukun uga soo saarto in dhadhanka cuntada xeerka lahaanshaha lagu dabaqi karo iyo in kale.

Kit Kats, Tofu iyo Champagne

Go'aankii ay soo saartay Maxkamadda Yurub waxay ku sheegtay in hadii la doonayo in shay dhadhankiisa lagu dabaqo xeerka lahaansha, waa in dhadhanka cuntadaasi yahay "mid si gaara loo hindisay" isla markaana uu buuxiyaa labadan shardi:

•In uu yahay hal abuur maskaxeed oo ugub ah.

•In uu leeyahay "wax muujinya" in hal abuurkaasi leeyahay "wax si buuxda loogaga sooci karo dhadhanka cuntada lamid ah"

Waxaanay maxkamaddu go'aamisay in "dhadhanka cuntada aan lagu sooci karin tilmaan iyada u gaar ah" waxaanay sheegtay in dhadhanku yahay "wax lagu garto waayo aragnimo hore oo ah in qofku waxaa wax la mid ah hore u dhadhanshay, kuwaas oo aan wax badan ku kala duwanayn". Waxaanay sheegtay in waxyaabaha saameeya dhadhanka ay ka mid yihiin da'da qofka, nooca cuntada.

Burcadka Heksenkaas waxa markii ugu horaysay soo saartay 2007 shirkad Holland laga leeyahay oo soo saari jirtay khudradda markii dambena laga iibiyey shirkadda Levola sanadkii 2011. Hase yeeshee shirkadda Smilde ayaa bilowday in ay Burcadka Witte Wievenkaas sanadkii 2014kii u samayso shirkad dukaamo waaweyn ku leh Holland.

Ma aha markii ugu horaysya ee Maxkamadda Caddaaladda Yurub ay xukun ka soo saarto dacwado la xidhiidha cuntada iyo cabitaanka.

Bishii Juulaay 2018 waxay xukuntay in aanu jirin xeer ilaalinaya Kit Kat, kaas oo nabar weyn ku noqday shirkadda soo saarta ee Nestle oo muddo dheer u dagaalamaysay in sharciga lahaanshaha lagu dabaqo, Jokolaytka [Chocolate] ay soo saarto.

Bishii Juun 2017 waxay xukuntay in cuntooyinka dhirta laga sameeyo sida tofu aan laga mid dhigi karin cuntooyinka caanaha laga sameeyo.

Bishii Diisember 2017 waxay laashay dacwad uu waday urur u ololeeya shirkadaha sameeya khamriga Champane ka waxaanay xukuntay in shirkad dukaamada qiimaha jaban wax ku iibisaa ay ku qori karto khamriga ay iibiso Champagner Sorbet maadaama oo 12% uu ka samaysanyahay Champagne.

AQOON ISWEYDAARSIGA SANADLAHA AFRAAD EE CILMIBAARISTA SOOMAALIYEED OO KA FURMAY MUQDISHO

Waxaa shalay oo taariikhdu ku beegantahay 13novembar furmay Aqoon isweydaarsiga sannadlaha afraad ee cilmibaarista Soomaaliyeed (ACSOS2018), oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Cilmibaarista Soomaaliyeed, oo magaciisa loo soo gaabiyo (ISOS), oo hoos taga Jaamacadda Muqdisho.

Aqoon isweydaarsigan oo socondoona muddo saadex maalmood ah, waxaa kasoo qaybgalay aqoonyahanno iyo cilmibaarayaal katirsan jaamacadaha iyo xarumaha cilmibaarista ee ku yaala dalka oo tiradoodu gaarayso in kabadan (150) aqoonyahan.

Sidoo kale waxaa kaqaybgelaya waxgarad katirsan qaybaha bulshada Soomaaliyeed.

Aqoon isweydaarsiga sannadkan waxaa halkudheg u ah: "Soomaalida Dunida ku Baahsan iyo Waayaha Shalay” "Somali Globalised Society: Dynamics & Challenges”

Xafladii furitaanka Ugu horayn waxaa kahadlay agaasimaha machadka ISOS ustaad Mustafa Cabdullaahi Fayruus oo kajeediyay hadal isugu jiray soo dhawayn iyo warbixin kusaabsanayd habsocodka barnaamijka, waxaana uu sheegay in lagu soo bandhigayoin kabadan (30) daraasadood iyo cilmibaarisyo kusaabsan sooyaalka iyo waayaha Soomaalida.

"Aqoon isweydaarsiga Sannadlaha ee Cilmibaarista Soomaaliyeed waa madal cilmiyeeduu sanad kasta qabanqaabiyo machadka cilmibaarista Soomaaliyeed (Machadka ISOS) oo ah xarun cilmibaariseed katirsan Jaamacadda Muqdisho” ayuu hadalkii kusoo gebagebeeyay agaasimaha machadka ISOS

Waxaa sidoo kale madasha aqoon iswaydaarsiga kahadlay Dr. Cabdishakuur Sheekh Xasan Fiqi oo ah agaasimaha tacliinta sarre iyo cilmibaarista ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sarre ee dawladda federaalka Soomaaliyeed ayaa ku amaanay machadka ISOS howlaha uu cilmi baarista ka qabto, wuxuuna ku booriyey inay dadaalkaa sii laba laabaan.

Ugu dambayn kusimaha guddoomiyaha ahna guddoomiye kuxigeenka Jaamacadda Muqdisho Prof. Maxamed Xuseen Ciise (Dr. Liibaan) ayaa umahadceliyay aqoonyahanka kasoo qaybgalay iyo cilmi baarista waxku oolka ay soo jeedin doonaan wuxuuna urajeeyay inuu guul kudhamaado xoogana lasaaro in dadaal xoog leh loo galo in dalka cilmi baarisyo badan laga sameeyo.

WAFDI KA SOCDA QARAMADA MIDOOBE OO SHALAY GAARAY BAYDHABO.

Wafdi uu hogaaminayay ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Rai Zenenga ayaa shalay Waxaa uu gaaray Magaalada Baydhabo.

Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqaadir ShariifSheekhuna Maye ayaa shalay garoonka ku soo dhaweeyay wafdi ka socday Qaramada midoobe.

Labada Masuul ayaa waxaa ay ka wadahadleen Xaalada amni ee baydhabo iyo Doorashada maamulka koofur galbeed.

GUDDOOMIYAHA DEGMADA BALCAD OO DHAGAX DHIGEY GAROON CUSUB OO LAGA DHISAYO DEGMADA BALCAD

Munaasabad lagu dhagax dhigayay dhismaha garoonka kubada cagta degmada Balcad ayaa ka dhacday magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim cali Nuur iyo qaar kamid ah xildhibaanada dowlad goboleedka hirshabelle oo ka soo jeeda degmada Balcad oo ay ka mid ahaayeen Maxamuud xuseen gudbaaye,Abuukar xasan abuukar iyo qaar kale iyo mas’uuliyiin ka socotay hay’ada IOM ayaa ka qeybgalay dhagax dhigga garoonka degmada balcad oo si casri ah loo dhisayo.

Intii ay socotay munaasabada dhagax dhigga ayaa waxaa ku soo bandhigay ciyaar saaxibtinimo labo naadi oo ka tirsan kooxaha ka dhisan degmada Balcad iyadoo ay u soo daawasho tageen dadweyne faro badan.

Dhismaha garoonkan oo ay iska kaashanayaan maamulka degmada Balcad iyo hayadda IOM iyo UN Habitat ayaa waxaa si weyn u soo dhoweeyay dhalinyarada degmada Balcad.

Madaxa Mashaariicda hay’ada IOM Maxamed Cumar ayaa ka hadlay dhismaha garoonkan waxana uu sheegay in mashaariic kale oo ay ka mid tahay dhamaystirka dhismaha isbitaalka degmada Balcad ay hay’adu dhowaan bilaabi doonto.

Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur ayaa u mahadceliyay hay’ada IOM kaalinta ay ka qaadanayso dhismaha garoonka degmada Balcad. Qaar kamid ah xildhibaanada dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ka hadlay munaasabada dhagax dhigga.

Ugu dameyntiiwaxaa habeen hore lagu qabtay hoolka shirarka degmada balcad munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu daahfurayay mashruuca dhismaha garoonka kubadda cagta iyo mashaaiic kale iyadoo lagu soo bandhigay bandhig faneed.

Munaasabadan ayaa wax aka hadlay mas;uuliyiin kala duwan iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay mashaariicda ay hay’ada IOM ka hirgelinayso gobolka Sh/dhexe gaar ahaan degmada Balcad.

Dhismaha garoonka kubbada cagta degmada Balcad ayaa noqonaya garoonka ugu weyn ee ka dhisan gobolka Sh/dhexe iyo guud ahaan dowlad goboleedka Hirshabelle

DUQA MUQDISHO OO LA KULMAY MASUULIYIIN KA TIRSAN JAMHUURIYADDA JABUUTI

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahaan booqasho shaqo ku joogay Jabuuti ayaa shalay kulamo muhiim ah la qaatay dhiggiisa Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cusmaan, isagoona kormeeray qaar kamid ah Xarumaha Dawladda.

Duqa Muqdisho ayaa ugu horreyn booqday xarunta Dawladda Hoose ee Jabuuti, halkaas oo kulan muhiim ah uu kula yeeshay Duqa Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cusmaan, iyadoo warbixin ka siisay shaqooyinka ay bulshada u hayaan iyo mashaariica qorsheysan ee sanadaha dhow laga fulin doono Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey Marwo Faadumo soo dhaweynta hagarla’aaneed ee ay kala kulmeen Jabuuti, isagoo adkeeyey xiriirka ku qotoma walaaltinimada ee labada dhinac ka dhaxeeya, isla markaana warbixin guud ka siiyey xaaladda Caasimadda dalka ee Muqdisho, gaar ahaan horumarrada isdabajoogga ah ee la gaaray muddooyinkii la soo dhaafay.

Dhinaca Kale Duqa Muqdisho Mudane Eng. Yarisow ayaa booqday xarunta tababarka ee ciidanka Booliska Jabuuti ee Idiris Faarax Habane, halkaas oo uu kusoo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Col Cabdullaahi Cabdi Faarax.

Guddoomiyaha ayaa kormeeray qeybaha degaanka ee ciidanka oo hadda tababar uga socday Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed oo loo tababarayo ka hortagga rabshaddaha iyo isku dhacyada dadweynaha.

Dhinaca kale, Duqa Muqdisho ayaa kulamo gaargaar ah la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti Cali Xasan Bahdoon iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Jabuuti, Jen. Zakariye Sheekh Ibraahim, isagoo uga mahadceliyey taageerada dhinaca amniga ee ay la garab taagan yihiin bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa waxaa kulamada ku weheliyey Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jabuuti Maxamed Cali Nuur, Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed iyo masuuliyiin kale.

CIIDAMO MILATARI OO DHEX DEGEY BEELO KU DAGAALAMAY GOBOLKA GALGADUUD

Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ka Howlgala Deegaanada Dawlad goboleedka Galmudug ayaa Shalay ku baxay Deegaanka Hardis oo qiyaastii 25 KM Dhanka Galbeed kaga beegan Degmada Balambal, kaasi oo dhowaan Dagaal uu ku dhexmaray Laba Maleeshiyo Beeleed.

Gaashaanle Dhexe C/qaadir Maxamed Cartan Taliyaha Howlgalada Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in Ciidamadu Halkaasi ay ku bexeen, si ay u kala dhexgalaan Dadkii Deegaankaasi ku dagaalamay, ayna u xaliyaan dagaalkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray Gaashaanle Dhexe C/qaadir in Taliska Ciidanka Xoogga Dalku uu amray in Dadkaasi la kala dhexgalo, si Dagaal dambe uusan halkaasi uga dhicin.

Deegaanada Ciidamada Xoogga loo diray ayaa waxaa ku sugan Dad Reer Guuraa ah, kuwaasi oo Halkaasi ku dagaalamay, waxaana Dagaalka uu salka ku hayaa Aanooyin hore iyo Dhul daaqsimeed lagu murmay.

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip