Aqoon isweydaarsiga Sanadlaha Afraad ee Cilmibaarista Soomaaliyeed oo ka Furmay Muqdisho

0
Tuesday November 13, 2018 - 21:19:17 in Wararka by
  • Visits: 209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqoon isweydaarsiga Sanadlaha Afraad ee Cilmibaarista Soomaaliyeed oo ka Furmay Muqdisho

    Aqoon isweydaarsigan oo socondoona muddo saadex maalmood ah,waxaa kasoo qaybgalay aqoonyahanno iyo cilmibaarayaal katirsan jaamacadaha iyo xarumaha cilmibaarista ee ku yaala dalka oo tiradoodu gaarayso in kabadan (150) aqoonyahan. Sidoo kale waxaa k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqoon isweydaarsigan oo socondoona muddo saadex maalmood ah,waxaa kasoo qaybgalay aqoonyahanno iyo cilmibaarayaal katirsan jaamacadaha iyo xarumaha cilmibaarista ee ku yaala dalka oo tiradoodu gaarayso in kabadan (150) aqoonyahan. Sidoo kale waxaa kaqaybgelaya waxgaradkatirsan qaybaha bulshada Soomaaliyeed. Aqoon isweydaarsiga sannadkan waxaa halkudheg u ah: "Soomaalida Dunida ku Baahsan iyo Waayaha Maanta""Somali Globalised Society: Dynamics & Challenges"

Xafladii furitaanka Ugu horayn waxaa kahadlay agaasimaha machadka ISOS ustaad Mustafa Cabdullaahi Fayruus oo kajeediyay hadal isugu jiray soo dhawayn iyo warbixin kusaabsanayd habsocodka barnaamijka, waxaana uu sheegay in lagu soo bandhigayoin kabadan (30)daraasadood iyo cilmibaarisyo kusaabsan sooyaalka iyo waayaha Soomaalida.

"Aqoon isweydaarsiga Sannadlaha ee Cilmibaarista Soomaaliyeed waa madal cilmiyeeduu sanad kasta qabanqaabiyo machadka cilmibaarista Soomaaliyeed (Machadka ISOS) oo ah xarun cilmibaariseed katirsan Jaamacadda Muqdisho” ayuu hadalkii kusoo gebagebeeyay agaasimaha machadka ISOS

Waxaa sidoo kale madasha aqoon iswaydaarsiga kahadlay Dr. Cabdishakuur Sheekh Xasan Fiqi oo ah agaasimaha tacliinta sarre iyo cilmibaarista ee wasaaradda waxbarashada iyotacliinta sarre ee dawladda federaalka Soomaaliyeed ayaa ku amaanaymachadka ISOShowlaha uu cilmi baarista ka qabto, wuxuuna ku booriyeyinay dadaalkaa sii laba laabaan.

Ugu dambayn kusimaha guddoomiyaha ahna guddoomiye kuxigeenka Jaamacadda Muqdisho Prof. Maxamed Xuseen Ciise (Dr. Liibaan) ayaa umahadceliyay aqoonyahanka kasoo qaybgalay iyo cilmi baarista waxku oolka ay soo jeedin doonaan wuxuuna urajeeyay inuu guul kudhamaado xoogana lasaaro in dadaal xoog leh loo galo in dalka cilmi baarisyo badan laga sameeyo.

Aqoon isweydaarsiga sanadlaha ee cilmibaarista


 
 
 
 
 
 
 
 
 
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip