Khabiirka BBC Sport Ee Garth Crooks Oo Soo Xushay Shaxda Kooxda Todobaadka Premier League

0
Tuesday November 13, 2018 - 21:11:34 in Wararka by
  • Visits: 604
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khabiirka BBC Sport Ee Garth Crooks Oo Soo Xushay Shaxda Kooxda Todobaadka Premier League

    Waa markale iyo kulamadii 12 aad ee Premier League iyo xulashada shaxda kooxda Premier League ugu fiican ee khabiirka BBC Sport eeGarth Crooks kaas oo xili ciyaareedka oo dhan soo diyaariya todobaad kasta kooxda ugu fiican ee uu ka sameeyo 11 ka xidi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa markale iyo kulamadii 12 aad ee Premier League iyo xulashada shaxda kooxda Premier League ugu fiican ee khabiirka BBC Sport eeGarth Crooks kaas oo xili ciyaareedka oo dhan soo diyaariya todobaad kasta kooxda ugu fiican ee uu ka sameeyo 11 ka xidig ee ugu bandhiga fiicnaada horyaalka Premier league.

Garth Crooks ayaa ka mid ah khabiirada kubbada cagta ee sida buuxda diirada ugu haya kulamada Premier league si uu xogta kulamada uga helo shaxda kooxdiisa todobaad ee Premier League taas oo kadib kulamada lagu daabaco BBC Sport.

Todobaadkan waxa uuGarth Crooks gabi ahaanba shaxdiisa ka sifeeyay ciyaartoyda kooxaha Manchester United, Chelsea iyo Arsenal oo aan wax guulo ah gaadhin kuwaas oo ayna ka soo bixin xidigo u qalma shaxda kooxdiisa todobaadkan maadaama oo ayna samayn bandhigii uu shaxdiisa ugu soo dari lahaa.

Taas badalkeeda kooxaha Manchester City iyo Liverpool ayaa noqday kooxaha shaxdan ka helay hal ciyaartoy wax ka badan iyada oo waliba Man City ay tahay kooxda ciyaartoyda ugu badan shaxdan ka heshay.

Goolhayaha- Jordan Pickford (Everton)

Aan soo qaadano goolhayaha uuGarth Crooks todobaadkan shaxdiisa ku soo bilaabay waana goolhayaha kooxda Everton eeJordan Pickford kaas oo kulankii Chelsea bandhig fiican ka sameeyay isla markaana Blues guul ka horjoogsaday.

Afarta Difaaca Ah – Matthew Lowton (Burnley), Sol Bamba (Cardiff), Juan Foyth (Tottenham), Andrew Robertson (Liverpool)

Afarta difaaca ah ee shaxda Crooks waxaa ka soo wada muuqdayMatthew Lowton oo Burnley ka tirsan, Sol Bamba oo Cardiff City u ciyaara, Juan Foyth oo Tottenham guul ku hogaamiyay iyo waliba difaaca bidix ee wacdaraha ka dhigaya kooxda Liverpool ee Andrew Robertson.

Khadka Dhexe – Fernandinho (Man City), David Silva (Man City), Felipe Anderson (West Ham)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip