Dilka Dhacay Muqdisho & Shaqsigii Ka Dambeeyay Oo Gacanta Lagu Dhigay

0
Monday November 12, 2018 - 21:45:31 in Wararka by
  • Visits: 276
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dilka Dhacay Muqdisho & Shaqsigii Ka Dambeeyay Oo Gacanta Lagu Dhigay

    Rag bustoolado ku hubeysnaa ayaa qeybo ka mid ah degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir waxa ay ku dileen mid ka mid ah Shaqaalaha Maamulka degmadaas,ka soo Magaciisa lagu soo koobay Deeqow. Ninka ayaa xilliga la dilayay waxa uu ku sugnaa agagaarka Ho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rag bustoolado ku hubeysnaa ayaa qeybo ka mid ah degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir waxa ay ku dileen mid ka mid ah Shaqaalaha Maamulka degmadaas,ka soo Magaciisa lagu soo koobay Deeqow. Ninka ayaa xilliga la dilayay waxa uu ku sugnaa agagaarka Hoygiisa oo ku yaalla qeybo ka mid ah Wadada Maka Almukarama ee Magalada Muqdisho. Guddoomiyaha Waaxda Horseed ee degmada Waaberi Karaama Muriidi Muuse ayaa sheegay in dilka kadib dad Shacab ah oo ku dhawaa halka falka uu ka dhacay ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah raggii dilka geystay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa daqiiqado kadib tegay goobta uu dilka ka dhacay,waxana ay halkasi ka wadeen Ninkii la qbatay,kaa soo la geeyay Saldhiga degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir.

Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka degmada Waaberi ayaa Shacbaka uga mahad celiyay tallaabad ay ku soo qabteen Ninkaasi dilka geystay.

Magalada Muqdisho degmooyin ka tirsan ayaa inta badan dilal ka dhacaan,waxaana inta badan baxsada raga dilalka fuliya,iyada oo laamah amniga ay sheegaan inay ku raadjogaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip