Dab Ka Kacay Keydka Radio Muqdisho Oo La Demiyay & Khasaaraha Oo La Shaacinayo

0
Monday November 12, 2018 - 21:22:56 in Wararka by
  • Visits: 302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dab Ka Kacay Keydka Radio Muqdisho Oo La Demiyay & Khasaaraha Oo La Shaacinayo

    Waxaa lagu guuleystay in la demiyo dab qabsaday qeyb ka mid keydka hadalka Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ku yaala xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayadoo dabkaasina uu ka dhashay koronto saacadu marka ay aheyd 10kii barqanimo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa lagu guuleystay in la demiyo dab qabsaday qeyb ka mid keydka hadalka Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ku yaala xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayadoo dabkaasina uu ka dhashay koronto saacadu marka ay aheyd 10kii barqanimo.

Agaasimaha Warbaahinta Qaranka Cabdi Fitaax Jeyte ayaa sheegay in in Maamulka gobolka Banaadir uu in ka yar 15 daqiiqo ugu soo diray gaadiidka iyo kooxda dab damiska kuwaasi oo suurtagal ka dhigay in si deg deg ah dadka loo damiyey.

"Mar kale waxaan u mahad celineynaa shaqaallaha dab damiska gobolka Benaadir iyo shaqaallaha Wasaaradda Warfaafinta oo iyagu aan ukala harin daminta dabka, Khasaaraha ma badna waxaase hada aan ku howlannahay tirakoobka cajaladaha naga gubtay ayuu yiri Agaasimaha.

 dhinaca kale waxaa dabkaas faahfaahin dheeri ah ka sii bixiyey  Agaasimaha guud ee Wasaarradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in gar ahaan dabka uu qabsaday sida uu hadalka u dhigay qeybta keydka afafka qalaad, isaga oo intaa ku daray in qeybaha kale ee keydka wax saameyn ah ku yeelan dabkan.

 

Khasaaraha ka dashay dabka ma badna sida uu sheegay agaasimaha, waxaana socda baaritaan la xiriira saameynta u geystay iyo waxa sababay dabkan intaba iyadoo warra ay sheegayaan in uu sababay kornto ka kacday .

      Dabka ayaa imanaya iyadoo arroonimadii hore ee saakay sidan oo kale uu dab ka ka kacay maqaaxi ku taala qeybta duulimaadyda caalamiga ah ee garoonka diyaarada Aadan Cadde magaalada Muqdisho taasoo wasiirka uu ka warbixiyey isagoo sheegay in aysan wax dhibaato ah ka soo gaarin howlaha garoonka uuna ku ekaa maqaayadda halkaa ku taalay kaliya .
     dhanka kale  waxaan saacdo gaaban hakad galay howlaha duulimaadyada sida wararka qaar ay sheegayaan kadibna ay dib u bilowdeen muddo gaaban ka dib







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip