HALKAAN KA AKHRISO:- WAA BOGGA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 12-KA NOVEMBAR 2018-KA

0
Monday November 12, 2018 - 08:42:50 in Wararka by
  • Visits: 430
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WAA BOGGA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 12-KA NOVEMBAR 2018-KA

    DUQA MUQDISHO OO KA QEYB GALAY SHIRKA MAAYARADA DALALKA ISLAAMKA OO JABUUTI KA FURMAY. Jabuuti: Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeybgalay Shirka Maayarada Magaalo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DUQA MUQDISHO OO KA QEYB GALAY SHIRKA MAAYARADA DALALKA ISLAAMKA OO JABUUTI KA FURMAY. Jabuuti: Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeybgalay Shirka Maayarada Magaalooyinka dalalka Islaamka oo sanadkan lagu qabtay Jamhuuriyadda Jabuuti ayna martigelisay Duqa Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cismaan. Shirka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Maayaro ka kala socday magaalooyinka dalalka Islaamka, iyadoo furitaankiisa uu khubad ka jeediyey Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed. Duqa Muqdisho ayaa xusay ahmiyadda uu shirkani u leeyahay Caasimadda dalka ee Muqdisho, isagoo uga mahadceliyey dhiggiisa Jabuuti martiqaadka iyo soo dhaweynta walaaltinimo.

            "Shirkani waa mid ahmiyad weyn ugu fadhiya dalalka ku mideysan oo dhaafsanaya khibradaha dhanka Maamulka, tababarrada iyo xoojinta wada shaqeyn lagu horumarinayo maamullada Dawladaha Hoose ee dalalka xubnaha ka ah .”

           Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa casuumaad rasmi ah ugu fidiyey magaalada Muqdisho dhiggiisa Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cismaan.

           Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ay weheliyaan Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jabuti Maxamed Cali Nuur iyo Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxda caasimadaha ee ka soo qeyb galay shirkan, isagoona kala hadlay sidii la isku dhaafsan lahaa khibradaha, loona yeelan lahaa wadashaqeyn joogtaa.

 

KHILAAF KA JIRA BOOQASHO UU MADAXWEYNAHA JUBBALAND AXMED MADOOBE KU TEGEYO MAGAALADA GARBAHAAREY

           Waxaa soo baxaya  khilaaf ka dhex jira dowlad goboleedka Jubba iyo qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Gedo taasoo ah booqasho la filayo in dhowaan uu ku tego magaalada Garbahaarey Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

           Guddoomiye ku xigeenka Jubbaland  Cismaan Nuur Xaaji ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Jubbaland inuusan waxba u qaban muddo siddeed sano ah oo uu xilka hayay ayna oggoleyn inuu yimaado magaalada Garbahaarey.

           Cismaan Nuur Xaaji ayaa sidoo kale sheegay in Axmed Madoobe uu la dagaalay dowlada sharciga ahayd ee federalka.

           "Wiil haddii aabihii uu ku caasiyay isagana waxaa ku caasiyana wiilka uu dhalay.”ayuu yiri Cismaan Nuur Xaaji.

           Banaanbax loogaga soo horjeedo Madaxweynaha Jubbaland ayaa shalay ka dhacay magaalada Garbahaarey iyadoo banaanbaxaana uu ahaa mid ay soo qabanqaabiyeen xubno ka tirsan Maamulka Jubbaland.

           Hore ayaa sidan oo kale waxaa qaar ka mid ah maamulka gobolka Gedo ay ugaga soo horjeesteen booqasho ay wasiiro ku yimaadeen magaalada Garbahaarey.

 

TIRADA DADKA CUDURKA EBOLA UGU DHIMANAYA DALKA CONGO OO KORORTAY

           Ilaa hadda inta la ogyahay tirada dadka u dhintay cudurka Ebola ee ka dillaacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo waxay gaarayaan 200 qof. Sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka.

           Mas’uuliyiinta caafimaadka waxay sheegeen in kala bar dadka uu soo riday cudurka Ebola ay kasoo jeedaan magaalada Beni oo ay ku nool yihiin 800,000 qof ee gobolka waqooyiga ku yaalla ee Kivu.

           Wasiirka caafimaadka dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Oly Ilunga wuxuu sheegay in dabley hubaysan ay dhibaato ku hayaan kooxaha caafimaadka ee la tacaalayo bukaanada Ebola ee halkaasi.

           Barnaamij caafimaad ah oo halkaasi ka bilaabmay waxaa tallaal lagu gaarsiiyay ku dhawaad 25,000 qof.

           Bishii September,barnaamijka tallaalka cudurka Ebola ayaa hakad galay kaddib markii koox fallaago ah ay weerar ku qaadeen shaqaalaha caafimaadka oo tallaal gaarsiinayay dadka deegaanka.

           Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo waxaa harreeyay dagaallo sannooyin badan qaatay iyo qalalaase siyaasadeed.

           Cudurka Ebola ee hadda tagan, wuxuu bariga dalkaasi ku faafay bishii July, waana markii tobbonaad uu ku dhuftay halkaasi tan iyo sannadkii 1976kii.

           Wasaaradda caafimaadka waxay sheegtay inta la xaqiijiyay 291 qof uu soo riday cudurka halka 201 qof ay u geeriyoodeen.

           Howlgalka nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay waxay ugu baaqeen kooxaha hubaysan inay joojiyaan cagajuglaynta ay ku hayaan shaqaalaha caafimaadka ee gurmadka u fidinayo bukaanada Ebola.

           Wasiirka caafimaadka DRC wuxuu sheegay in Jimcihii kooxda caafimaadka la weeraray lagana burburiyay qalabkii ay wateen halka qaarkoodna la afduubtay.

           "labo kamid ah dhaqaatirta gurmadka deg deg ah ayaa naftooda ku waayay weerarka” ayuu yiri wasiirka.

           Toddobaaadkii lasoo dhaafay, Madaxa ha’yadda caafimaadka adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus wuxuu sheegay in ammni darrada ka taagan qaybo kamid ah dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ay noqotay caqabadda ugu wayn ee hortaagan xakameynta cudurka Ebola.

 

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO MAGACAABAY TALIYE CUSUB (WAREEGTO)

           Madaxweynaha Maamulka  Pu-ntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay oo taariikhdu tahay 11 November 2018 magcaabay taliyah ciidanka xasilinta caasimada  Puntland ee Magalada Garoowe.

           Xeer Madaxweyne Lr.171 11 November, 2018, kuna saabsan mag-acaabid Taliaya Ciidanka Xasilinta Caasimada Puntland.

Madaxweynaha Maamulka  Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo khib-radiisa shaqo

Wuxuu Xeeriyey:

           Waxaa G/Sare Cabdixamiid Maxamed Dirir loo magacaabay Tali-yaha Ciidanka Xasilinta caasimada Puntland ee Garoowe.

           Xeerkani waxa uu dhaqan gela-yaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.



MADAXWEYNE FARMAAJO OO KU AMRAY TALIYAASHA CIIDAMADA INAY WARBIXIN DHAMAYSTIRAN KA KEENAAN QARAXYADII MUQDISHO

           Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay kulan deg deg ah isugu yeeray Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

           Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Taliyeyaasha Ciidamada in ay si dhakhso ah ula yimaadaan warbixin dhammeystiran oo ku saabsan amniga iyo qaraxyadii dhacay maalintii Jimcaha ee aynu soo dhaafnay.

           Taliyeyaasha uu isugu yeeray madaxweynaha dalka ayaa kala ah Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Saree Gaas Daahir Aadan Cilmi, Kan Booliska Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Asluubta Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

           Kulanka ayaa waxaa ka maqnaa Kusimaha Agaasimaha NISA ahna Agaasime kuxigeenka Fahad Yaasiin, waxaana sawirada kulanka ka muuqday kaliya saddexda Taliye ciidan ee Booliska, Milateriga iyo Asluubta.

           Kusimaha Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin ayaa looga baran inuu ka soo muuqdo kulamada iyo fagaarayaasha, waxaa la sheegaa inuu yahay nin aad isaga qariya kaamirooyinka, inkastoo uu yahay nin dadku yaqaanaan oo ka soo shaqeeyay, kana soo muuqday Telefishinka Al Jazeera.

           Jimcihii la soo dhaafay ayaa saddex qarax lagu weeraray Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho waxaana ku dhintey inku dhow konton ruux halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

           Qaraxan ayaa ahaa kii ugu qasaaraha badnaa eek a dhaca Muqdisho tan iyo qaraxii Zobbe oo galaaftay dad ka badan lix boqol oo ruux.

 

ISRASAASEYN KA DHACDAY DEGMADA HOBYO & KHASAARO KA DHASHAY

           Wararka Radio Dalsan uu ka helayo Magalada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in is rasaaseyn Magalada Hobyo ku dhexmartay dabley hubeysan iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Galmudug.

           Xilliga ay is rasaaseynta dhaceysay ayaa Ciidamada Booliska Galmudug waxa ay wadeen howlgallo amniga lagu xaqiijinaya,waxanq ay isku dhaceen rag hubeysan o doonayay inay falal amndairo ah geystaan Magalada.

           Dad ku sugan degmada Hobyo ayaa Dalsan u xaqiijiyay in is rasaaseyntaas uu ku geeriyooday Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Galmudug,isla markaana xaaladu ay tahay mid degan.

           Maamulka degmada Hobyo ee  Gobolka Mudug iyo saraakiisha Ciidamada booliska weli wax faah faahin dheeraad ah kama bixin is rasaaseynta ka dhacday degmada hobyo.

 

XILDHIBAAN WARSAME JOODAX”DUQA MUQDISHO YUUSAN KU MASHQUULIN SIYAASAD EE AMNIGA CAASIMADDA…

           Xilhibaan Warsame Maxamed Xasan(Joodax) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka marna xil ka soo qabtay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa eedeyn u jeediyay Maamulka Gobolka Banaadir.

           Warsame Joodax ayaa sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Shaqooyinkii loo xilsaaray uusan qaban,isla markaana taasi ay dhalilsay amnidarrada ka jirta Magalada Muqdisho.

           Waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir laga doonayo in uu ka Shaqeeyo sidii uu isugu xiri lahaa Laamaha kala duwan ee amniga,sida Booliska iyo Nabadsugida.

           "Hadii sida ay tahay uu u Shaqeyn lahaa Maamulka Gobolka Banaadir,waxaan oo dhan naguma dhaceyn,balse waxaan rabnaa in aan maalin walba tacsi ku jirin Duqa Muqdishana uusan ku jeesan howlo Siyaasadeed balse uu ka Shaqeeyo horumarinta amniga ayuu yiri Xildhibaan Warsame Joodax.

           Hadalka Xildhibaan Warsame Joodax ayaa ku soo aadaya xilli maalin ka hor weerar ismiidaamin ku bilaawday lagu qaaday Hotelka Saxafi ee Magalada Muqdisho weerarkaas oo dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

 

GOLAHA WASIIRADA OO WARBIXIN KA DHAGAYSTAY GOLAHA DHAQAALAHA QARANKA

           Golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay warbixin ku saabsan xoojinta dibuhabeynta nidaamka maaliyadda dalka iyo horumarrada laga gaaray ka dhagaystay Golaha Dhaqaalaha Qaranka.

           Shirka Golaha Wasiirrada oo uu shirguddominayay Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre ayey Golaha Dhaqaalahu ku soo bandhigeen cilmi baaris ay ka sameeyeen istaraatiijiyadda maalgashiga dalka, kobcinta dhaqaalaha, kordhinta dakhliga dawladda, iskaashi dhaqaale oo Soomaaliya ay la yeelato wadamada Bariga Afrika  iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.

           Golaha dhaqaalaha qaranka oo adeegsanaya cilmi baaris dheer iyo cadaymo ayaa dawladda kala taliya arrimaha dhaqaalaha dalka, iyaga oo sidoo kale dawladda talo ka siiya diyaarinta iyo dhaqangalinta siyaasad dhaqaale oo tayo leh taas oo ka caawinaysa iskudubaridka khayraadka dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka.

           Madaxwaynaha Jamhuuriyadd Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa Dekareeto ku magacaabay golaha dhaqaalaha qaranka July 12, 2018, waxaana si rasmi ah loo daahfuray August 11, 2018.

 

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO MAGACAABAY TALIYAHA CIIDAMADA XASILINTA GAROOWE

           Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa magacaabay Taliyaha Ciidamada Xasilinta Magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamulkaasi.

           Xeer Madaxweyne Lr.171 11 November, 2018, kuna saabsan magacaabid Taliaya Ciidanka Xasilinta Caasimada Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo khibradiisa shaqo

Wuxuu Xeeriyey:

           Waxaa G/Sare Cabdixamiid Maxamed Dirir loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Xasilinta caasimada Puntland ee Garoowe.

           Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.

 

MUQDISHO: XARUN CAAFIMAAD OO LA XIRAY

           Bukaan qaba cudurka HIVAIDS ayaa sheegay in la xiray xarun caafimaad oo ay ka qaadan jireen daawooyinka ay u qaataan xanuunkaasi, waxayna ku eedeeyeen Gudoomiyaha Degmada Shibis inay xirtay xaruntaasi. Sarkaal ka gaabsaday in magaciisa la xigto ayaa u sheegay VOA in xarunta ay ku tiirsanaayeen in ka badan 200 qof oo qaba xanuunka HIVAIDS iyo 286 qof oo qaba Xanuunka TBda.

           Dadka qaadan jiray daawada oo qaarkood la hadlay VOAda ayaa muujiyay walaac ay ka qabaan xaaladooda caafimaad.

 

MEYDKA GABAR DHALINYARO AHEYD OO LAGU ARKAY DEGMADA BARAAWE

           Meydka Gabadhaan oo da’ahaan lagu qiyaasay 28 jir ayaa shalayy waxaa laga helay mid ka mid ah Xaafadaha Waaweyn ee degmada Baraawe Gobolka Shabeellaha Hoose.

           Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa meydka Gabadha ka soo qaaday goob la sheegay in sixun loogu dilay sida ay sheegeen dad ku sugan degmada Baraawe.

           Agaasimaha guud ee isbitaalka degmada Baraawe Cabdullaahi Cabdiraxmaan  Nuuraani oo la hadlay Idaacadda Voada ayaa sheegay in Gabadha oo meyd ah loo keenay,kadib baaritaan ay ku sameeyeen ay ogaadeen in Gabadha la kufsaday kadibna la dilay.

           "Markii ana baarnay waxan ogaanay in dhowr rag ah ay gabadha kufsadeen,waxaa sidoo kale jirkeeda ka muuqday jirdil xoogan iyo in Masarkii ay wadatay lagu ceejiyay,dharkeeda qaarkood xataa waa ay ka maqnaayeen ayuu yiri Agaasimaha Isbitaalka degmada Baraawe.

           Dhacdadaas ka dhacday degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose aaya waxaa Shalay siweyn u hadal hayay Shacabka ku nool degmadaasi,iyaga oo aad uga naxay Gabadha dhibataada loo geystay.

 

KULAMO GOONI GOONI AH OO WELI KA SOCDA MAGALADA BAYDHABO

           Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay oo dhawan la filayo inay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka socda kulamo isdabajoog ah oo ay qeyb ka yihiin musharixiinta Madaxweynaha KGS.

           Musharaxa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta Gareen ) ayaa shalay Baydhabo kula kulmay ku Simaha Madaxweynaha KGS ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye Iyo gudoomiye Xigeenadiisa oo uu wehlinayay  Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla.

           Kulan ayaa la isla soo hadal qaadey hanaanka Doorashada ay u dhici laheed 17Nov. Shariif Cabdala ayaa Sheegay in muhiim tahay in doorashada waqtigeeda aysan dhaafin,xilli maalma kooban ay doorashada ka harsan tahay.

           Musharax Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa bogaadiyey sida ay u socoto howsha doorashada maamulka koonfur galbeed somalia.

           Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa socday kulamo gooni gooni ah oo ay kusimaha Madaxweynaha ahan Guddoomiyaha Baarlamaanka la qaadanayaan musharxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed,iyaga oo kala hadlayay arrimaha doorashada.

 

TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA”WAXAAN BAAREYNAA QARAXYADII HOTELKA SAXAFI

           Kulan gaar ah ayaa taliyeyaasha Ciidamada Booliska,Xoogga dalka, iyo Asluubta Shalay ku yeesheen Xarunta taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa ay kaga hadleen xaalda amni ee dalka.

           Taliyeyaasha ayaa isla soo qaaday qabka loo wajahayo amniga Caasimadda sigaar ah qaabka adkeynta Baraha koontorool ee Gawaarida lagu baaro kadib weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Hotelka Saxafi ee Magalada Muqdisho.

           Kulanka kadib taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed SarreeyeGaas Bashiir Cabdi Maxamed oo faah faahiyay ayaa sheegay in kulanka lagu go’aamiyay tallaabo adag oo laga qaadayo Saraakiisha iyo askarta Ciidamada qalabka sida.

           Waxa uu sheegay taliyaha in marnaba aan mardambe la aqbali doonin in gaari ay saaran yihiin rag hubeysan oo dadka Soomaaliyeed dhibaateynaya ay ka soo gudbaan baaha koontorool,isla markaan ay tallaabo ka qaadayaan Saraakiisha koontoroolkii uu gaariga ka soo gudbo.

           Dhinaca dhammaan taliyeyaasha ayaa wax ay isku raaceen in baaritaan lagu sameeyo weerarkii qaraxyada ahaa ee Jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho,kana go’an tahay inay talaabo ka qaadaan cidii sameysay dayacaadaasi amnidarro.

           Si kastaba Shalay ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kualn deg deg ah la qaatay taliyeyaasha Ciidamada,isaga oo ku amray inay warbixin dhameystiran ka keenaan baaritaanada qaraxyadii Hotelka Saxafi.

 

XAAF-630x420 (1) XAAF OO DOWLADDA DHEXE KU EEDEEYAY DILALKII KA DHACAY GALMUDUG

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay in dhibaato

oyinkii saacaddihii lasoo dhaafay ka dhacay degaano ka mid ah maamulka Galmudug ay qeyb ka aheyd.

           Xaaf ayaa sheegay in dilalkii ka dhacay Cadaado, Hobyo, Balanbale iyo Afbarwaaqo ay ahaayeen Ukumihii ay abuurtay dowladda dhexe ee Soomaaliya oo qarxay.

           Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale sheegay in Khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada uu noqday mid daba dheeraaday oo xilligaan qarka u saaran in uu dalku burburo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip