Xildhibaan Cabdulaahi Maxamud gaafow waxaan codsanayaa in xeryahay Milatariga loo raadiyo meel aan aheyn dagmada dayniile{Daawo-VIDEO }

0
Sunday November 11, 2018 - 20:19:02 in Wararka by
  • Visits: 302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Cabdulaahi Maxamud gaafow waxaan codsanayaa in xeryahay Milatariga loo raadiyo meel aan aheyn dagmada dayniile{Daawo-VIDEO }

    Ganaraal Cabdulaahi Maxamud gaafow oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa ka hadlay sida uu u arko xeryihii ciidamada ee ku yiil dagmadaas oo uu sheegay in shacabka dagmadu ay doonayaan in laga rabo isla markaana loo raadiyo deegaano kale oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ganaraal Cabdulaahi Maxamud gaafow oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa ka hadlay sida uu u arko xeryihii ciidamada ee ku yiil dagmadaas oo uu sheegay in shacabka dagmadu ay doonayaan in laga rabo isla markaana loo raadiyo deegaano kale oo ka baxsan magaalada maadaama ay yihiin halkii horey ay u daganayeen noqotay dhul deegaameysan .

Xildhibaan gaafow ayaa dowlada ka codsaday in si magaaladu u fido ciidamada loo raadiyo meel ka sii mudan halkii hore .

Gen Gaafow wuxuu sheegay in dagmada dayniile ay maalgashi ku sameeyeen ganacsato somaliyeed dhulkeeduna qiimihiisu aad u sarakacay dhawaana ay noqon doonto magaalada ay warshaduhu ku badan.

Xildhibaanka ayaa cadowga dagmadu leedahay ku tilmaamay shaqsiyaad iska ootay dhul aad u balaaran oo aan laheyn awood ay ku dhistaan iyo milatariga doonayo in uu dhaxdago deegaanka ayna ku sitaan hubka Noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan madaafiic iyo gawaariga gaashaaman .

Ganaraal gaafow ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in bulshada dagan dayniile ay la shaqeynayaan maamulka dowlada ee dagmadaas wuxuuna ugu baaqay Madaxda Sare ee Dowlada iyo shacbkaba in laga wada qeybqaato mashaariicda horumarineyd ee ka socoto dagmada.

 

Arintaan ayaa ka danbeysay ka dib markii booqasho indha indheeyn ah uu ku tagay xeryihii hore ee ciidamada taliyaha milatariga gan indhaqorshe iyo madax kale kuwaas oo doonayey in dib u dayactir lagu sameeyo xeryihii dagmadaasi ku yaalay oo haatan dib ugu noqday goofleydii markii hore dowladii kacaanku uga qaaday .




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip