Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea oo ka wada hadlaya dhameystirka heshiiskii iskaashiga saddex geesoodka

0
Saturday November 10, 2018 - 10:48:10 in Wararka by
  • Visits: 350
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea oo ka wada hadlaya dhameystirka heshiiskii iskaashiga saddex geesoodka

    Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa ka wada hadlaya dhammaystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalkaas ku saxiixeen bishii September magaalada Asmara ee dalka Eritrea. Madaxda saddexda dal ayaa ku sugan magaalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa ka wada hadlaya dhammaystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalkaas ku saxiixeen bishii September magaalada Asmara ee dalka Eritrea. Madaxda saddexda dal ayaa ku sugan magaalada Gondar, iyadoo maanta la filayo in war murtiyeed laga soo saaro wada hadalka u dhaxeeya ee saddex geesoodka ah.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay socdaal dhanka dhulka ah ku tagayaan magaalada Bahra Daar ee Waqooyi Galbeed dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku yeelan doonaan wadahadallo ku saabsan dhammeystirka heshiiska iskaashiga iyo wax wada qabsiga saddex geesoodka ah.

"Hoggaamiyeyaasha Gobolku waxa ay iska xog waraysan doonaan xaaladaha guud ee Gobolka, iyagoona si gaar ah uga wada hadli doona dhammeystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee Asmara.”ayuu yiri Cabdinuur

Waxaa uu sheegay in shirarkan wadatashiga ah ee ay yeelanayaan Hoggaamiyeyaashani ay ka turjumayaan ka mira-dhalinta dadaallada ku qotama horumarinta dalalka Gobolka Geeska Afrika iyo xaqiijinta hiigsiyada nololeed ee shucuubta walaalaha ah.

Isbaheysiyada ka dhex sameysmay dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah oo is bedelo ka socdaan Gobolka Geeska Afrika.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip