Mareykanka oo hakinayo shidaalkii uu siin jiray diyaaradaha dagaalka ee Sucuudiga

0
Saturday November 10, 2018 - 10:43:35 in Wararka by
  • Visits: 315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo hakinayo shidaalkii uu siin jiray diyaaradaha dagaalka ee Sucuudiga

    Mareykanka ayaa sheegay inuu joojinayo shidaalkii uu hawada ku siin jiray diyaaradaha dagaalka ee Sucuudiga ee ka dagaalka ka wado Yemen. Warbaahinta Sucuudiga ayaa ku warrantay in xukuumadda Riyaadh iyo dalalka saaxibada yihiin ee khaliijka ay sa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareykanka ayaa sheegay inuu joojinayo shidaalkii uu hawada ku siin jiray diyaaradaha dagaalka ee Sucuudiga ee ka dagaalka ka wado Yemen. Warbaahinta Sucuudiga ayaa ku warrantay in xukuumadda Riyaadh iyo dalalka saaxibada yihiin ee khaliijka ay sare u qaadeen awooddooda ah inay diyaaradahooda dagaalka ka wado Yemen ay ku shubtaan shidaalka isla markaasna muqstaqbalka ay arrintaasi si madax bannaan u samaysan karaan. Dhanka kale, warbaahinta Mareykanka ayaa soo xigatay saraakiil Amerikaan ah oo sheegayo in maamulka Trump uu shaaca ka qaadayo inuu joojinayo adeegyadii dhanka militariga uu u fidin jiray Sucuudiga oo hoggaaminaya dagaalka diyaaradaha huwanta ay ka wadaan Yemen, horraantii bishan ayay ahayd, Markii mareykanka uu ku baaqay in la joojiyo colaadda ka taagan yemen.

In ka badan toban kun oo qof ayaa ku dhimatay dagaalka sokeeye ee YemenLahaanshaha sawirkaAFP Image captionIn ka badan toban kun oo qof ayaa ku dhimatay dagaalka sokeeye ee Yemen

Sucuudiga ayaa la dagaalamaya mucaaradka Xuutiga ee Yemen                              Lahaanshaha sawirkaREUTERS Image captionSacuudiga ayaa la dagaalamaya mucaaradka Xuutiga ee Yemen

Waxaa jiray cadaadis caalami ah oo la saarayo Sucuudiga oo ah inuu hakiyo duqaynta uu ka wado Yemen, maadama xaaladda ban'aadanimo ee dalkaasi ay kasii dareyso.

Qaramada Midoobey maxay ka tiri dagaalka Yemen?

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa waxa uu ku baaqay in la soo afjaro qulqulatooyinka ka soconaya dalka Yemen, iyo weliba in si degdeg ah loo joojiyo dagaallada ka soconaya agagaarka goobaha muhiimka ah iyo weliba meelaha ay dadka badan ku nool yihiin.

Mr. Guterres ayaa waxa uu ugu baaqay dhinacyada ku diriraya dalka Yemen inay si niyad wanaag ah oo aanay shuruudi ku xirnayn u bilaabaan wadahadal.

Xoghaye Guterres ayaa xilka u hayo waxaa uu u isticmaalay inuu kusii adkeeyo digniinaha Qaramada Midoobay ay ka soo saartay colaadda Yemen.

Waxa uu sheegay in xaaladda bini'aadminimo ee dalkaasi ay aheyd mid quus ah ayna suuragal tahay inay isu bedesho macluushii ugu xumeyd ee la rko muddo tobannaan sano ah hadaanan si degdeg ah wax looga qaban.

Marar badan ayaa lagu eedeeyay diyaardaha dagaalka Sucuudiga inay duqeeyeen goobaha ay shacabka ku badan yihiinLahaanshaha sawirkaREUTERS Image captionMarar badan ayaa lagu eedeeyay diyaardaha dagaalka Sucuudiga inay duqeeyeen goobaha ay shacabka ku badan yihiin

Carruurta Yemen ayaa gaajo iyo cuduro u dhimanaya iyadoo Qaramada Midoobay ay ka digtay in kala bar dadka dalkaasi ku nool ay halis soo wajahayso bilooyinka soo socda.

Mareykanka

Mareykanka ayaa ku baaay in si degdeg ah loo joojiyo weerarrada Yemen ka socda, iyada oo ay dagaallada sokeeye oo seddex sano ka socday Yemen ay sababeen iney dalkaasi ka dhacaan macluushi bani aadaminimo ee ugu xumeeyd.

Wasiirka gaashaandhigga Mareykanka James Mattis ayaa sheegay dhinacyada isku hayo Yemen iney 30-ka maalmood ee soo socda gudhii ay ku billaabaan wada hadallo nabadeed oo dhibaatada Yemen ka taagan lagu soo afjaro.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa xulafada Sacuudiga uu hoggaaminayo ee dagaalka kula jira dhaqdhaqaaqa xuutiyiinta ugu baaqay iney joojiyaan duqeymaha dhinaca cirka ah ee ay ka sameeynayaan goobaha ay dadku ku badan yihiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip