Warar soo kordhaya ee ugu dambeeyay qaraxyadii galabta ka dhacay M.Muqdisho ayaa ah sidan

0
Friday November 09, 2018 - 22:37:10 in Wararka by
  • Visits: 292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warar soo kordhaya ee ugu dambeeyay qaraxyadii galabta ka dhacay M.Muqdisho ayaa ah sidan

    Saddex qarax oo is xigxigtay ayaa galabta waxa ay ka dhaceen isgoyska KM-4 gaar ahaan agagaarka Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saddex qarax oo is xigxigtay ayaa galabta waxa ay ka dhaceen isgoyska KM-4 gaar ahaan agagaarka Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyadan oo loo adeegsaday baabuur ayaa midka hore waxa uu ka dhacay iridda hore ee Hotel Saxafi, midka labaad ayaa ka dhacay laamiga u dhaxeeya Hotel Saxafi iyo xarunta dambi baarista ee CID-da, halka qaraxa Saddexaad uu ka dhacay waddo yar oo marta dhabarka dambe ee Hotel Saxafi.

Khasaaraha ugu badan ee qaraxydan ka dhashay ayaa waxa uu soo gaaray dad shacab ah oo marayay waddada, kuwaasi oo saarnaa gaadiidka dadweynaha.

Inta la xaqiijiyay qaraxyadan ayaa waxaa ku geeriyootay 25 qof, halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 30 qof oo uu ku jiro Agaasimihii hore ee wasaaradda warfaadinta C/risaaq Bahlaawi.

Ciidamada ammaanka ayaa waxa ay sheegeen inay toogteen Afar nin oo hubeysan, kuwaasi oo isku dayay inay gudaha u galaan Hotelka.

Ragga ciidamada ay toogteen ee la soo bandhigay ayaa waxa ay xirnaayeen dareeska ciidanka 14-ka October.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkan ayaa waxa ay tilmaameen inay beegsadeen xildhibaano iyo saraakiil amni oo ka tirsan dowladda, kuwaasi oo ay sheegeen inay ku sugnaayeen Hotel Saxafi.

Daawo Sawiradda  iyo Vidio Qaraxyo Is Xig Xigay Oo Maanta Ka Dhacay Muqdisho





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip