SAWIRO: Faahfaahin Qaraxyo Galabta ka dhacay M/Muqdisho

0
Friday November 09, 2018 - 19:51:43 in Wararka by
  • Visits: 300
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO: Faahfaahin Qaraxyo Galabta ka dhacay M/Muqdisho

    Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qaraxyo Galanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan lambar 4 Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Ammaanka. 3 Qarax oo loo adeegsaday gawaari ayaa ka dhacay wadada u d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qaraxyo Galanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan lambar 4 Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Ammaanka. 3 Qarax oo loo adeegsaday gawaari ayaa ka dhacay wadada u dhaxeysa Hoteel Saxafi iyo Xarunta CID-da ee Magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in wadadaasi ay tahay mid mashquul ah oo ay Isticmaalaan dadweynaha xilligaaa oo kale. Qaraxa koowaad ayaa lagu ku dhuftay Hotel Saxafi oo hore loo weeraray.

Qarax kale ayaa isna ka dhacay inta u dhaxaysa Hotel Saxafi iyo xarunta CID oo hoteelka ka soo hor jeedda.

Hotel Saxafi dhabarkiisa waddo yar oo marta ayuu ka dhacay Qaraxa Saddexaad.

Qaraxyadda ka dib rag hubeysan oo tiradooda lagu qiyaasay 4 ruux ayaa isku dayay in ay galaan Hoteelka Saxafi, Waxaana toogtay Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, waxaana hadda goobihii Qaraxyo ka dhaceen ku sugan Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo Khasaaraha dhanta ah ee  ka dhashay Qaraxyaddaasi galbta M/ Muqdisho ka dhacay.

QEYBO SAWIRRO QARAXYADAASI  AH HOOS KA DAAWO:- 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip