Maxay biladaan uga dhigantahay Cabdikariin iyo guud ahaanba Soomaalida?

0
Tuesday November 06, 2018 - 10:15:37 in Wararka by
  • Visits: 656
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay biladaan uga dhigantahay Cabdikariin iyo guud ahaanba Soomaalida?

    Magaalada Suweeto ee dalka koonfur Afrika, oo shalay lagu qabtay tartanka cayaaraha maaratoonka kaas oo ay ka qeeyb galeen cayaartooy ka kala socotay daafaha dunida waxaana ka mid ahaa cabdikariin maxamed nuur oo ah wiil soomaaliyeed oo gabagabdii ta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Suweeto ee dalka koonfur Afrika, oo shalay lagu qabtay tartanka cayaaraha maaratoonka kaas oo ay ka qeeyb galeen cayaartooy ka kala socotay daafaha dunida waxaana ka mid ahaa cabdikariin maxamed nuur oo ah wiil soomaaliyeed oo gabagabdii tartanka abaalmarin la gudoonsiiyay.

Cabdikariin Maxamed Nuur

Image caption Cabdikariin Maxamed Nuur

Waxa uu u tartamayay gobolka uu daganyahay oo lagu magacaabo liboombo kadib markii uu tartamo heer deegaan ah uu horay ugu soo qeeyb galay.

Tartankan oo lagu magacaabo Suweeto maaratoon ayaa waxa uu maxamed kaga qeeyb galayay qeeybta orodka oo ahayd 14 kilomitir.

Cabdikariin Maxamed Nuuroo ku guuleeytay billadda qallinka ah
Image caption Cabdikariin Maxamed Nuur oo ku guuleeytay billadda qallinka ah

Qeeybtii hore ee tartanka orodka, waxa uu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay, balse nasiib darro dhulka lagu ordayay ayaa waxaa uu ahaa dhul buuraleey ah oo waxaa cabdikariim soo gaaray dhaawac dhanka muruqa ah , marka uma aysan sura galin in uu ka sii mid ahaado dadka hogaanka u hayo tartanka.

"Halkii kilo mitirba waxaan ku jaraynay 3 daqiiqo iyo 20 ilbiriqsi taas oo macneheedu yahay in aan ka mid ahaa 10-kii qof ee ugu horreeysay inta aanan dhaawacmin," ayuu yiri cabdikariin maxamed mar uu qadka taleefonka ugu waramayay weriyaha BBC-da Faarax Lamaane.

"Dhaawaca markii uu isoo gaaray waxaa hoos u dhacay xawaarihii aan ku ordayay oo halkii 3 daqiiqo iyo 20 ilbiriqsi aan calaa kilo mitir ku oraday, waxay markii dambe isku bedeshay in aan halkii kilomitir ku ordo 4 daqiiqadood taas oo sababtay in dadkii dambe ay isoo gaaraan," ayuu intaasi ku sii daray cabdikariin.

Balse Cabdikariin oo aan joojin orodkii ayaa waxaa uu galay kaalinta 32-aad taas oo u saamaxday in uu ku guleeysto billadda qalinka ah. Waxaa xusid mudan in tartartanka ay ka qeeyb qaadanayeen ilaa 30 kun oo qof.

Cabdikariin Maxamed Nuur iyo qaar ka mid ah dadkii la tartamayay
Image captionCabdikariin Maxamed Nuur iyo qaar ka mid ah dadkii la tartamayay
xigasho:-BBC
 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip