Ronaldo oo ganaax la yaab leh la kulmaya

0
Monday November 05, 2018 - 23:51:30 in Wararka by
  • Visits: 627
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ronaldo oo ganaax la yaab leh la kulmaya

    Weeraryahanka kooxda kubadda cagta ee Juventus, Cristiano Ronaldo ayaa laga ganaaxay inuu tuuro laadad xor ah oo cayiman. Ronaldo ayaa kusoo bilaabanaya kullanka habeenka Arbacada ay ciyaari doonaan kooxaha Juventus iyo United, xilli uu ka hortagi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta ee Juventus, Cristiano Ronaldo ayaa laga ganaaxay inuu tuuro laadad xor ah oo cayiman. Ronaldo ayaa kusoo bilaabanaya kullanka habeenka Arbacada ay ciyaari doonaan kooxaha Juventus iyo United, xilli uu ka hortagi doono kooxdiisii hore mar kale.

Bianconeri ayaa hab wacan ku billaabatay xilli ciyaareedkan, si gaar ah tartanka Champions League-ga waxa ay adkaadeen dhammaan saddexdoodii kullan ee lasoo dhaafay.

CR7 ayaase cassaan qaatay kullankii koowaad ee ay 2-0 kaga adkaadeen Valencia, waxaana uu seegay kullankii Young Boys ay ku xaaqeen 3-0, isagoo dib usoo laabtay kullankii Old Trafford.

Si kastaba ha ahaatee, Macallin Massimiliano Allegri ayaa u sheegay Ronaldo inuusan qaadan doonin laadadka xorta ah ee laga tuurrayo meel u dhow xerada ganaaxa.

Iyadoo laadadkaas ay tuurrayaan Miralem Pjanic iyo Paulo Dybala, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay ku wanaagsanyihiin qaadashada waajibaadka laadadka xorta ee u dhow diillinta ganaaxa.

Taas beddelkeeda, waxaa Ronaldo uu tuurri karaa laadadka xorta ah ee u baahan toogashada dheer kuwaas oo ka yara durugsan diillinta ganaaxa.

Captain-ka Portugal ayaa amaan gaar ah ku helaya ka qayb qaadashada guulaha ay Marwada Duqda ah gaareyso, maadaama 24 ta gool ee ay ka dhalisay Serie A, kala bar uu isaga ka qayb qaatay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip