Wiilow Sirta waalidkaa iyo Siyaasiyow sirta wadankaaga yaan la idinka Qishin=Nasashada Jimcaha. Q-120 aad=.

0
Friday November 02, 2018 - 20:12:05 in Wararka by
  • Visits: 734
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiilow Sirta waalidkaa iyo Siyaasiyow sirta wadankaaga yaan la idinka Qishin=Nasashada Jimcaha. Q-120 aad=.

    1-Nin Somali ah oo CIA (Sirdoonka Mareykanka) u shaqeynayay, ayaa markii uu shaqada ka tagayay, waxa la yiri: Maskaxdiisa hala Format Gareeyo oo xasuusta oo dhan ha laga tir tiro (Brain wash). Waa la Format gareeyay. Waxaa la yiri: Wax miyaad xasuusa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Nin Somali ah oo CIA (Sirdoonka Mareykanka) u shaqeynayay, ayaa markii uu shaqada ka tagayay, waxa la yiri: Maskaxdiisa hala Format Gareeyo oo xasuusta oo dhan ha laga tir tiro (Brain wash). Waa la Format gareeyay. Waxaa la yiri: Wax miyaad xasuusataa?. Wuxuu yiri: Qabiilkeyga oo kaliya. Dhowr jeer ayaa dib loo format gareyay. Weli wuxuu xasuustaa Qabiilkiisa. Dhakhtarkii ayaa yiri: Weli Seynis yahanadu ma gaarin, cilmigii Virus-kaan Somalida looga dili lahaa. (F.S: 1aad)

(Ar-Somali iyo Qabiilaa!!!. Sidee looga dhaqaa maskaxdooda?)

2- Maroodi ayaa arkay Dooli ka ciyaarayo xafladii Arooska ee Libaaxa. Maroodigii ayaa yiri: Dooliyoow, maxaad sidaan ugu ciyaaree oo aad ugu faraxsantahay ma Buubi rabtaa?. Dooligii oo ciyaartiisii sii wata ayaa yiri: Xasuus ayaan u Ciyaarayaa, Ma ogid miyaa anniguba intii aanan Guursan waxaan ahaa Libaax. ( F.S: 2 & 3aad)

(Doobow Haddaad Libaax is mooday, Doolinimo waaba ku sugee, ee haka daahin)

3- Aabe ayaa wiilkiisii oo dhiganayay fasalka 3aad ee D/Hoose weydiiyay, Imtixaankii maku gudubtay ?. wiilkii ayaa ku yiri: Haa Aabe, Ardaydii Fasalkii oo dhamiba waa wada gudbeen, laakin Macallinkii ayaa dhacay. Aabihii ayaa ku yiri: siidee?. Wiilkii ayaa ku yiri: Macalinkii, weli fasalka 3aad ayuu wax u dhigaa.

(Shacabkii waa wada Gudbay,laakin Madaxdii ayaa weli Fasalkii 3-aad ku hartay)

4-Cali ayaa yiri: Axmadow, wallaakaa muxuu qabtaa hadda ? Axmed ayaa ku jawaabay: Dukaan ayuu Furay. Cali ayaa yiri: Waa shaqo wanaagsan, Shaqa la’aan ayaanba ku ogaay ee ha shaqeysto. Axmed ayaa yiri: Laakin wallaalkey hadda Xabsi ayuu ku jiraa: Axmed, oo maxaa dhacay?. Cali ayaa yiri: Dukaanka Habeen ayuu Buris ku furay. ( F.S: 4aad)

(Dukaaman, waa la wada furtay, ee sidee lagu Furtay, miyaan la is weydiineyn)

5- Wiil ayaa Gabar uu shukaansanayay ku yiri: Aabahey waa 89 jir Taajir ah, dhowr Bakhaar ayuu ku leeyahay Suuqa Bakaaraha , mardhawna wuu dhimanayaa anniga oo maddi ah ayaana dhaxlayo ee aan ku guursado hadda. Gabadhii waxa ey tiri maya.

" Qish ayeey ka heshay”. Gabdhii 7 Cishu kadib waxa ey aheyd Eedadii , dhaxalka wax ku leh. ( F.S: 5aad)

(Wiiloow, Sirta waalidkaa & Siyaasiyoow sirta wadankaaga yaan leydinka Qishin)

6- Wiil ayaa habeen barkii Telefon ku wacay Saaxiibtii. Waxaa ka qabatay Gabadha Hooyadeed, wuxuu ku yiri: ii waran Malabka, Malabka. Hooyadii oo xanaaqsan ayaa tiri: Maandhow, Malabkii ma ahan ee waa Shinidii. ( F.S: 6aad)

(Haddaad Qof wacdo, sug Jawaabtiisa)

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip