Shan ciyaartoy oo saddex isku koox yihiin ayaa xili ciyaareedkan hoggaaminaya qiimaynta ciyaartooyada ugu baas bixinta badan, kuwaas oo ay ka maqan yihiin xiddigaha Manchester United iyo Liverpool.

0
Thursday November 01, 2018 - 23:05:12 in Wararka by
  • Visits: 584
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan ciyaartoy oo saddex isku koox yihiin ayaa xili ciyaareedkan hoggaaminaya qiimaynta ciyaartooyada ugu baas bixinta badan, kuwaas oo ay ka maqan yihiin xiddigaha Manchester United iyo Liverpool.

    Xili ciyaareedkan 2008-19 oo la ciyaaray kulamadii tobnaad ayaa waxa hoggaanka goolal ku haysa Manchester City oo ay isku dhibco yihiin Liverpool, hase yeeshee Chelsea oo kaalinta saddexaad ku jirta ayaa laba dhibcood ka dambaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xili ciyaareedkan 2008-19 oo la ciyaaray kulamadii tobnaad ayaa waxa hoggaanka goolal ku haysa Manchester City oo ay isku dhibco yihiin Liverpool, hase yeeshee Chelsea oo kaalinta saddexaad ku jirta ayaa laba dhibcood ka dambaysa.

Haddaba xogta laga diiwaangeliyey kooxaha xili ciyaareedkan ee dhinaca kubbad dhiibista ayaa waxa hoggaaminaya saddex laacib oo ka tirsan Chelsea oo markii hore lagu xaman jiray inay tahay naadi aan ku wanaagsanayn baaska, hase yeeshee qaab ciyaareedkeedu isbeddelay intiii uu tababare Maurizio Sarri shaqada lla wareegay xagaagan.

Jorginho, Antonio Rudiger iyo David Luiz ayaa ku jira shanta ciyaartoy ee kubbadaha ugu badan dhiibay.

Laacibka khadka dhexe ee Jorginho ayaa kubbadihii ugu badnaa dhiibay xilli ciyaareedkan, waxaana uu si guul leh u gaadhsiiyey hallkii uu ugu talo galay 1,029 baas.

Waxa kusoo xiga difaaca Manchester City ee AymericLaporte oo si guul leh u dhamaysiray 874 kubbadood oo uu u gudbinayey asxaabtiisa. Waxa kusoo xiga difaaca Chelsea ee Rudiger oo 800 kubbadood dhamaystiray, hallka David Luiz oo oo Chelsea ah iyo Xhaka oo Arsenal ay min 760 baas ku guuleysteen.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip