Waa kuma Caasimadda dhaqanka ee Qaaradda Afrika?

0
Wednesday October 31, 2018 - 19:59:10 in Wararka by
  • Visits: 908
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa kuma Caasimadda dhaqanka ee Qaaradda Afrika?

    Caasimadii hore ee Nageria Lagos ayaa loo aqoonsaday in ay tahay Magaalada kaliya ee weli aad looga xiiseeyo dhaqankii soo jireenka ahaa ee Afrikaanta. 1991 wixii ka dambeeyay ayaa Lagos laga wareejiyay caasimada Nageria oo loo raray Magaalada Abuja

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caasimadii hore ee Nageria Lagos ayaa loo aqoonsaday in ay tahay Magaalada kaliya ee weli aad looga xiiseeyo dhaqankii soo jireenka ahaa ee Afrikaanta. 1991 wixii ka dambeeyay ayaa Lagos laga wareejiyay caasimada Nageria oo loo raray Magaalada Abuja oo hada xarun u ah dalkaasi, markase laga soo tago in caasimad ay ahaan jirtay waxaa kaloo jirto sheekooyin xiiso badan oo ku saabsan magalaadaasi waxaana la sheegay in Lagos kaliya laga badalay magaca caasimada Nageria balse weli ay tahay caasimada dhaqanka, Aflaamta iyo muustikadii hidaha iyo dhaqanka afrika ay leedahay.

Waxaana ay hoyi u tahay maalqabeenka la sheegay in afrika uu ugu maalka badanyahay waa Alika Dangotte, sidoo kale Lagos waxaa ku yaala oo ay xarun u tahay shirkada saddexaad ee ugu weyn adduunka dhanka aflaamta.

Waa dhif iyo naadir in magaalo aan caasimad aheyn oo Afrika ku taala in ay soo jiidato indhaha kumanaan dalxiisayaal ah waxayna Lagos marti gelisaa dalxiisayaal ka kala yimid daafaha adduunka si ay kaga soo qeyb galaan bandhiga fashion-ka ee dharka hidaha iyo dhaqanka Afrikaanta lagu xayeesiiyo ee loo yaqaano bandhiga Lagos fashion week oo sanadkiiba mar la qabto.



Khuburo wax ka qora magaalooyinka ugu wanaagsan ee lagu noolaado ayaa Jariirada The Gaurdian u sheegay in Lagos ay ka wanaagsan tahay magaalooyin caasimad u ah dalal badan oo caalamka ah.

"Wey adagtahay in aan go’aamino in Magaalo aan caasimad u aheyn dal aan u aqoonsanaa magaalada ugu wanaagsan qaarada Afrika marka la eego sida ay ugu dhagan yihiin dhaqankooda una marti geliyaan dalxiisayaal badan laakiin xaqiiqda ayaa ah in Lagos ay tahay Magaalo aan indhaha laga qabsan karin” ayuu u sheegay Mattison charles oo kamid ah khubarada wax ka qorta magaalooyinka ugu wanaagsan ee lagu noolaado.

Waxaa kaloo la yaab leh in bandhig faneedka Lagos lagu qabto ay ka heesaan fanaaniin caan ah oo daafaha dunida isaga kala yimid iyadoo sidaas si lamid ah dad asal ahaan Afrikaan ah oo shirkado caan ah dharka u xayeysiiyo ay kasoo qeyb galaan bandhiga dharka lagu xayeysiiyo ee Lagos Fashion week.

WD: Ayuub Maxamed Axmed



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip