Daryeel Caafimaad: Dunida kalena waxaa horuumaray Daaweynta Xoolaha!!!

0
Wednesday October 31, 2018 - 00:27:04 in Wararka by
  • Visits: 754
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daryeel Caafimaad: Dunida kalena waxaa horuumaray Daaweynta Xoolaha!!!

    Markii aan yaraa Baadiyaha, haddii Xooluhu Naga jiradaan, waxaan ugeeyn jirnay Qof Xoolaha dabiibo, waa la gubi jiray, cusbo ama fintir ayaa lagu ridi jiray iyo qaabab kale oo loo daaweeyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii aan yaraa Baadiyaha, haddii Xooluhu Naga jiradaan, waxaan ugeeyn jirnay Qof Xoolaha dabiibo, waa la gubi jiray, cusbo ama fintir ayaa lagu ridi jiray iyo qaabab kale oo loo daaweeyo.

Dadka laftiisa waa la gubi jiray, Qur’aan ayaa la saari jiray ama daawa dhaqameed kale. Haddii xanuunku Ku bato Dhakhtarka Tuulada u dhaw ayaa la geeyn jiray, ama magaalada. Badnaa waan Ka quusan jirnay haddiiba Isbitaal la seexiyo. Waxaan dhihi jirnay ( Nin la duray ma doodiyo).

Annagu weli horuumar la taaban Karo kama sameeyn Dhinaca Daaweynta dadweynaha, Daawa dhaqameedkiina lama horuumarin.

Dunida kalena waxaa horuumaray Daaweynta Xoolaha.(F.S: 1-4aad).

Runta haddan iska sheego, Annagu waxaan leheyn sheeybaarka Xoolaha ee Africa ugu sareeyo, Cudurada Ku dhaco Xoolaha South Africa , Uganda iyo wadama kale dhiiga laga soo qaado ayaa halkaan lagu baari jiray.Wadamo Sucuudigu Ka mid yahayna khubaro Daaweysa Xoolaha ayaan u diri jirnay.

Ma u maleysay, qofka Somaliga ah in xoolaha ummadaha kale ey Ka xuquuq badan yihiin Dhinaca caafimaadka?.

Hadda inteey iska qaban la’dahay Dad iyo Duunyaba nooma dhaqnee? .bal xal aan raadino.

Towfiiqda ALLA hana waafajiyo, Dad iyo Duunyana ALLA ha noo caafiyo, isagaa awoodee.

Qore: Yahya Amir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip