Saddax farxadood: Maanta Saddax dhacdaba waan Ku farxay!!!.

0
Saturday October 27, 2018 - 19:25:06 in Wararka by
  • Visits: 794
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddax farxadood: Maanta Saddax dhacdaba waan Ku farxay!!!.

    1- Fannanadii weyneyd ee Irish-aheyd Mrs. Sinead O'Connor leheydna Albumka heesaha " the Lion and the Cobra" dhalatayna 8/12/1966. Ayaa qaadatay Diinta islaamka, lana baxday magaca Shuhada Davit. waxay tiri: Markii iigu horeysay ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1- Fannanadii weyneyd ee Irish-aheyd Mrs. Sinead O'Connor leheydna Albumka heesaha " the Lion and the Cobra" dhalatayna 8/12/1966. Ayaa qaadatay Diinta islaamka, lana baxday magaca Shuhada Davit. waxay tiri: Markii iigu horeysay ee aan xijaab qaato ayaanba qurxoonaaday. Taasi waxa ey iiga muuqataa isbedelka sawirkeeda.Tan Labaad waxa ey tiri: waxaan dareemay in aan caafimaad helay horena aan u waalnaa. Hanuunka Allaah ayaa leh.( F.S: 1& 2aad)

2- Maxkamadda xuquuqda Bini aadamka ee Reer yurub kuna taal magaalada Strasbourg ee Dalka Faransa ayaa soo saartay in Caayda loo geeysanayo Rasuulkeena Muxamed SWC ey dambi tahay.

Taa Annaga shaki nuugama jirin, Laakin Reer yurub Maxkamadahoodu in ey qiraan ayaa Cusub. Go’aankaa oo lagu buriyay Racfaan ey qaadatay Naagtii Reer Austria aheyd ee hore u Aflgaadeysay Rasuulkeena Suubanaa SWC.sannadkii 2009, kadibna Lacag yar oo lagu ganaaxay Racfaan Ka qaadatay 2011.Ayaa go’aan laga soo saaray, Lana yiri: Qofna xaq uma lahan in uu Af lagaadeeyo Rasuulka Alle SWC.( F.S: 3aad)

3- Maanta oo waddooyinku xirnaayeen, 6km ayaa Cagta maalay, Roobna ALLAA noo keenay, hal meel oo Haweney ey Shaah Ku gadeeysay ayaan Mar fadhiistay. Waxaan u bogay ciidamada dhalin yarada ah ee Police-ka waddooyinka la keenay waa Ka dhaqan iyo Asluub wanaagsanaayeen kuwii Ka horeeyay ee waddooyinka ilaalin jiray.( F.S: 4 & 5aad).

1-Islaamku qurux ayaa u yahay Haweenka.( Isku fiiri 2da Sawir ee shuhada intii eyna islaamin & Muslinnimadeeda kadib, kee Kula qurxan?).


2- Xaqa lama inkiri karo.
3- dhalin yarada police-ka Cusub dad la dhaqanka waa Ku wanaagsan yihiin, hasii dadaaleen.

Qore: Yahya Amir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip